Deni oo magacaabay taliye ku xigeenka qaybta Booliska gobolka Bari

Image

GAROWE, Puntland - Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha dowlada Puntland ayaa Isniinta maanta ah waxaa lagu magacaabay Taliye ku-xigeenka qaybta Booliska Gobolka Bari.

Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaal, taliye ku xigeenka cusub, ayaa laga soo wareejiyay Ciidanka Daraawiishta loona wareejiyey Ciidanka Booliska Puntland, sidda ku xusan qoraalka.

Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Garoowe: 30, Maarso, 2020: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr.18, March 30, 2020 kuna saabsan wareejin Sarkaal iyo u magacaabid Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu tixgeliyey: Dar-dar gelinta Arrimaha Amniga Gobolka Bari.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/Dhexe Cabdikaafi Maxamed Maxamuud Qaal laga soo wareejiyay Ciidanka Daraawiishta loona wareejiyey Ciidanka Booliska Puntland, isla markaana waxaa loo magacaabay Taliye ku-xigeenka Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=


GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM