Deni oo qaadacay go'aanadii Golaha Wadatashiga Qaranka

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa bilooyinka ka hareen ee Puntland ayaa khilaaf shaqsi ah kala dhaxeeyaa Villa Soomaaliya.

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyanaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa uu qaadacay go'aanaddii dhowan kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

"Puntland qayb kama ahayn, mana qusayso warkii dhawaan soo baxay, kuwii hore waxaan uga baaqsanay oo aan u saxiixi waynay waxaan arkaynay meel qaldan in loo wado dalka," ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayuu mar kale ku eedeeyay in uu "maroor-sadey awooda xafiiska Ra'iisul Wasaaraha" wallow uusan soo bandhigin caddeymo xoojinaya sheekadiisa.

"Ififaalaha uu madaxweynuhu u dhaqmayo waan arkaynay, awalna wuu baabi'iyay xafiiska awood qaybsigga ee raysal-wasaaraha oo awoodihiisii buu qaatay, hadana si bareer ah buuba u yiri maba jiro," ayuu ka yiri shir ka dhacay Boosaaso.

Sidda laga soo xigtey Deni oo khilaaf shaqsi ah uu kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya, wadahadal lala furo Somaliland ayaa xudun u noqon karto in ay soo dhamaato deganaanshiyaha la'aanta Soomaaliya.

"Haddii la rabo xasilooni la'aanta Soomaaliya in la xaliyo waa in Somaliland ay timaado miiska, oo xalka wadajir loo raadiyo, hadii la kala maqanyahay weligeen wax mira dhal ah soo bixi-maayaan," ayuu xusay.

Isaga oo u muuqda mid ka hadlaya soojeedinta Golaha Wadatashiga Qaranka ee ah in laga guuro nidaamka baarlamaaniga ah, Deni ayaa waxa uu tibaaxay in uu dalka khatar gelinayo "nidaamka madaxtooyadda".

"Qaab-dhismeedka dawlada ee hadda laga hadlayo waa arin khatar ah, bulshadaan 60ka sano xorta ah, waxaa jirtay oo mudo haystay fahan-daro ah habka loo qaybinayo ama loogu dhaqmayo awoodaha dawladnimada, Puntland waa ka digaysaa waxkasta oo khatar ah," ayuu yiri.

Waxa uu intaas ku daray: "Waxaa jira Baarlamaan labo aqal ah, oo waxaa loo sameeyay oo loo adkeeynayay baarlamaankaas in labo qof say doonaan aysan ka yeelin dalka, Anigu shirkii u danbeeyay ee aan taggay waxaa naloo keenay dastuurkii oo sidii la rabo loo bedellay, waana diidnay".

"1991 shirkii ka qabsoomay jabuuti, ilaa kii u danbeeyay Embegaati, waxaa lagu heshiiyay nidaam Parliamnetry ah oo leh Madaxweyne iyo raysal-wasaarw, barnaamij ilaa waqtigaas lagu soo dhaqmayay ma dhacayso in dhawr qof ay habeen madaw bedelaan, wixii lagu heshiiyo ayaa shardi ah hadana sabab loo bedelo ma muuqato," ayuu tibaaxay.

Deni ayaa ka dhawaajiyay: "Dastuurka Puntland waxa uu na farayaa in aan si gaar ah u dhaqano inta dawlad Soomaaliyeed oo miyir qabta laga helayo, Puntland-na qayb kama aha arimahaas, gudigii wada-xaajoodka Puntland iyo DFS dhawaan way hadlayaan, oo bulshada Puntland wada-tashi bay la yeelanayaan. Dawlada Puntland waxay u taagantahay midnimada".

Puntland ayaa hormuud u ahayd nidaamka federaalka ee haatan ka tisqaadey Soomaaliya waxaana dhowaan ka qabsoomay doorashooyin qof iyo cod ah wallow ay ka hor-yimaadeen siyaasiyiin sheegay in Deni ka leeyahay ajande sir ah oo muddo kororsi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM

Wasiir Dirir: Xubno katirsan Daacish ayaa isku dhiibay Ciidamada Puntland

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa meesha ka saaray wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in dagaalyahanadan Ajaanibka ah...

  • Puntland

    09-01-2025

  • 11:04AM