Deni oo sababay in jidadka Puntland isku rogaan xerooyin ciidan

Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen ayaa juub-juub ku doonaya muddo kororsi sharci darro ah.

GAROWE, Puntland - Muddo xileedka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayay ka dhiman tahay muddo bilooyin ah iyadda oo ay soo muuqanayaan qaylo dhaanta qaybaha kala duwan ee Bulshada maamulka Puntland.

Duruufaha nolosha iyo heerka dhaqaale ee degaanada maamulkan xubinta ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo sii kordhaya ayaa si weyn laga digayaa.

Ciidamada Puntland ayay soo waajaheen maalmo adag kadib markii ay waayeen mushahaarkooda iyo xuquuqdooda taasi oo keentay gadood is daba joog ah oo ka dhacay gobalada Mudug, Bari iyo Nugaal.

Gadood ciidan is-dabajoog ah

Daraawiishta Puntland ee kula diriray kooxaha argagixisada buuralayda gobalka Bari ayaa qaybtood isaga soo baxay furimihii iyaga oo qabsaday dekeda magaalada Boosaaso oo ah isha dhaqaale ee ugu wayn Puntland.

Masuuliyiin dowladeed oo u tagay ayaa ugu dambayn ku qanciyay in ay halkaasi isaga baxaan iyada oo isla maalintiiba booqasho lagu tilmaamay "mid arintaas lagu qarinayo" uu dekeda Boosaaso ku tagay madaxweynaha Puntland.

Gobalka Mudug ciidamada Daraawiishta ayaa la wareegay kantaroolka galbeed ee Galkacyo iyaga oo halkaasi haystay muddo todobaad kadibna lagu qanciyay in ay halkaasi baneeyaan kadib waan-waan ay dhaqanku qayb ka ahaayeen.

30-kii May ciidamada madaxtooyadda Puntland rugta Garowe ayaa iyagu xiray gebi ahaanba wadada loo maro madaxtooyadda Puntland iyo wasaaradaha kadib xuquuqdooda oo ay sheegeen in muddo dhawr bil ah aysan helin.

Dhaqanka gobalka Nugaal ayaa hormuud ka noqday waan-waan ugu danbayn keentay in ciidamadu ay isaga baxaan halkaasi iyada oo aan faahfaahin laga hayn in wali ay xuquuq heleen ciidamada Puntland.

Howlwadeenadda raydika ah

Inta badan shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaan helin xuquuq iyo mushahaar afartii bilood ee ugu danbaysay iyada oo xukuumadu ay mudadaas dar-dar gelisay hanaanka Doorashooyinka ee lagu muran-san yahay .

Deni ayaa ku celiyay marar kala duwan in xukuumadiisu ay bixisay dhaqaalaha ugu badan ee ku baxay hanaankaan oo ay ku tilmaantay madasha siyaasadda Puntland "Mid guracan oo muddo kororsi xambaarsan''.

Waxgaradka ayaa waxay ka digayaan in hadii ay xaaladu sidaan kusii socoto ay aan la saadaali karin halka ay u jihaysan doonto Puntland lagana yaabo in ay curyaan noqdaan shaqo maalmeedka maamulkaan rubuc qarni jirsaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM