Deni oo "saluug ka muujiyey" habka uu ku shaqo galay Juxa

Image
Garowe Online ayaa ogaadey in madaxweynuhu aaminsan yahay wasiirka arrimaha gudaha "ka hoos maray filashadiisa".

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu saluugsan qaabka uu u shaqeynayo wasiirkiisa arrimaha gudaha Cabdifaarax Saciid Juxa, sidda ay warsidaha Garowe Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Illo wareedyadan oo ay ku jiraan xubno si dhow ula socda dhaqdhaqaaqa Deni ayaa aaminsan "in madaxweynuhu uusan la dhacsaneyn" wasiir Juxa oo si xowli ah ku gulay howlaha hirgalinta doorashada islamarkaana diidey qodobo muhiim ah.

Wasiir Juxa oo "ka hoos maray filashaddii madaxwayne Deni" ayaa diidey kamid noqoshada ururka Kaah halka uu meelo badan ka sheegey inuusan Dani kula socon muddo kororsi.

"Dadka yaqaana dabeecadaha madaxweynaha iyo qaar badan oo la sheekeystey wuxuu u muujiyey in Juxa uusan fileyn sida uu u dhaqmayo," ayay hadalkooda raaciyeen. "Waana sababta soo dadajisay guddiga uu ka daba magacaabay".

Deni ayaa caawa wuxuu magacabaay guddi uu ku sheegay in ay dardargelinayaan doorashada tooska ah ee lagu muransan yahay. Xubnaha guddiga waxaa kasoo muuqdey Wasiirka Maaliaydda, C/raxmaan Dhabancad.

Juxa waa ninka badalay Dhabancad oo horey u ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha. ayaan jeclaan doonin magacaabista gudigaan.

Guddiga heerka xukuumad ee uu xushay Deni ayaa ka dhigan in uu si toos ah howlgab uga dhigay Guddiga ku meelgaarka doorashooyinka Puntland ee TPEC kaasoo waajibaadkiisu ahaa in uu hirgeliyo coddeynta qof iyo cod.

Guddoomiyihii hore ee guddiga Guuleed Saalax ayaa shaqada uga tagay kadib markii kadib fadeexadii ka dhacdey doorashooyinkii goleyaasha degaanka saddexda degmo.

Sidda ay qabaan daneeyeyaasha siyaasadda, Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa waxaa ka dhaadhacsan in xubnaha guddigan oo loo yaqaano TPEC aysan fulinayn qorshihiisa oo ku biyo-shubanaya muddo kororsi.

Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni oo guda galay halkiisii sano ugu dambeysay muddo xileedkiisa ayaa dhinac iska dhigay cabashooyinka laga muujiyey barnaamijkan wuxuu u bareeray in uu waddo qardo-jeex ah ku fuliyo hayaankan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM