Deni oo saraakiisha faray fududeynta in la tayeeyo Ciidanka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Kormeer ku tegay Xarunta Ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad.

Madaxweynaha ayaa markii uu halkaasi gaaray wuxuu salaan Ciidan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta, kadibna wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta.

Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Ciidamada oo ay ka qeyb-galeen Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Daraawiishta, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Saraakiishii hore ee soo shaqeeyay xiligii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo Dowladdihii kala danbeeyay ee Puntland.

Waxaana ka mid ah Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Gen. Maxmed Xirsi Morgan, waxaana kulankaas ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani.

"Ujeedka Kormeerka Madaxweynaha iyo Kulanka gaarka ah ee uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ku saabsanaa tirakoobka iyo tayeynta dhismaha Ciidamada Dowladda Puntland, si loo helo Ciidamo tirsan oo tayeysan, taasi oo qeyb ka aheyd ballan-qaadyadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni". ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni ayaa bogaadiyey Ciidamada Dowladda ee habeen iyo maalin u heelan amniga iyo difaaca dalka, wuxuuna Madaxweynuhu faray dhammaan Saraakiisha in la fududeeyo si dhakhso ah hirgelinta tayeynta Ciidamada Dowladda.

Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muhiimad gaar ah siinaysa Dhismaha Ciidamada, Waxaana Madaxweyne Deni intii uu xafiiska joogay uu sameeyay kormeero iyo kulamo ku saabsan hirgelinta qorshaha dib-u-habeynta Ciidamada Dowladda Puntland.

Kormeerka waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.

Puntland State House

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Helay Xabaalo Daacish ku aastay hogaamiyaasha laga dilay

Waxay ahayd difaacii ugu ballaarnaa, marka laga reebo Dhasaan ilaa Miiraale, oo horey gacanta loogu dhigay.

  • Puntland

    24-02-2025

  • 09:19AM

Puntland oo beenisay inay diiday taageeradda dowladda Soomaaliya ee dagaalka ISIS

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka maqneyd dhacdooyinkaas, iyadoo kaliya dib u hurinaysa khilaafaadka siyaasadeed ee Puntland.

  • Puntland

    22-02-2025

  • 09:39AM