Deni oo saraakiisha faray fududeynta in la tayeeyo Ciidanka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Kormeer ku tegay Xarunta Ciidamada Daraawiishta Puntland ee 54-aad.

Madaxweynaha ayaa markii uu halkaasi gaaray wuxuu salaan Ciidan ka qaatay Cutubyo ka tirsan Ciidamada Daraawiishta, kadibna wuxuu kulan la qaatay Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta.

Kulanka uu Madaxweynuhu la yeeshay Ciidamada oo ay ka qeyb-galeen Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Daraawiishta, waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Saraakiishii hore ee soo shaqeeyay xiligii Dowladdii dhexe ee Soomaaliya iyo Dowladdihii kala danbeeyay ee Puntland.

Waxaana ka mid ah Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo Gen. Maxmed Xirsi Morgan, waxaana kulankaas ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac Dabaraani.

"Ujeedka Kormeerka Madaxweynaha iyo Kulanka gaarka ah ee uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ku saabsanaa tirakoobka iyo tayeynta dhismaha Ciidamada Dowladda Puntland, si loo helo Ciidamo tirsan oo tayeysan, taasi oo qeyb ka aheyd ballan-qaadyadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni". ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Jaamac Dabaraani.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Deni ayaa bogaadiyey Ciidamada Dowladda ee habeen iyo maalin u heelan amniga iyo difaaca dalka, wuxuuna Madaxweynuhu faray dhammaan Saraakiisha in la fududeeyo si dhakhso ah hirgelinta tayeynta Ciidamada Dowladda.

Dowladda Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa muhiimad gaar ah siinaysa Dhismaha Ciidamada, Waxaana Madaxweyne Deni intii uu xafiiska joogay uu sameeyay kormeero iyo kulamo ku saabsan hirgelinta qorshaha dib-u-habeynta Ciidamada Dowladda Puntland.

Kormeerka waxaa ku weheliyey Madaxweynaha, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Taliyaha Guud ee Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland S/Gaas Yaasiin Cumar Dheere iyo Afhayeenka Madaxtooyadda Dowladda Puntland Jaamac Dabaraani.

Puntland State House

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM