Dowladda maalgelineysa dhismaha dekadda Garacad oo la shaaciyey

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Arbacadii booqasho ku tegay magaaladda Garacad ee Gobolka Mudug.

Garoonka Diyaaradaha ee Garacad waxaa Madaxweyne Deni iyo Wafdigiisa ku soo dhoweeyay Maamulka Gobolka Mudug, Kan Degmada Garacad iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Deni ayaa kormeeray Qalabka iyo Warshada diyaarinaysa Dhagaxa iyo Ciida lagu dhisayo Dekadda Garacad, kadibna wuxuu Madaxweynuhu u gudbay halka laga dhisayo Dekadda oo uu kaga qeybgalay Xafladda daahfurka wejiga labaad.

Madaxweyne Deni sheegay in Dhismaha Dekadda Garacad muhim u tahay Puntland, isagoo bogaadiyay Ganacsatada isu taagtay iyo dhammaan cidkasto ka qeyb qaadatay inuu hirgelinta Mashruucaan.

Dhinaca kale, hogaamiyaha maamulkan ayaa shaaca ka qaadey in mashruucaan ay hirgelin doonto dowladda Itoobiya iyo ganacsato u dhalatay waddankaas.

"Waa in aan kala saarno sida ay dadka qaarkii aaminsan yihiin oo ah in hadii dalkaaga la maalgashto lagaa qaadanayo dhulkaaga, sidaasina ma ahan," ayuu hadalkiisa daba dhigay madaxweynuhu.

Wafdiga Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Xubno ka tirsan labada Gole, Maalgashadayaal ka socda Wadamo kala duwan, Qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland iyo xubno kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM