Deni oo shaaciyey musharaxiinta kuraasta Puntland ee aqalka sare

Image
Puntland ayaa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxay ku leedahay 11 xubnood. [Photo: PSH]

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay saqdii dhexe wuxuu magacaabay liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee federaalka ku matalaya dowladda Puntland afarta sano nagu soo fool leh.

Deni ayaa Puntland ka dhigay maamulkii ugu horeeyay ee soo wada magacaabay dhamaan musharaxiinta kuraasta uu ku leeyahay Senate-ka maadaama gobolada kale qaar soo xusheen.

Wadarta musharaxiinta oo 22 ah waxaa dumar kaga jira todoba. Lix kamida waxay ku tartamayaan saddex kursi. Tani waxay Puntland ka dhigaysaa maamulka kaliya ee illaa hada lix wakiilo ku yeelanaya golaha.

Kaliya Kawsar Cabdullaahi Xersi ayaa noqoneysa haweenayda kaliya ee kursi kula baratami doonta nin oo ah Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, madaxwayne ku xigeen iyo wasiirkii hore ee maaliyada Puntland.

Koonfur Galbeed oo ah halka lagu doortay haweenaydii ugu horeysay ee kamid noqoneysa baarlamaanka 11aad ee dalkan dhaca Geeska qaaradda Afrka ayaa haatan soo dirsatay laba haween Senator ah.

Liiska uu soo saarey Deni waxaa kasoo muuqdey magacyo waaweyn. Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynihii hore ee dowlada Puntland wuxuu la tartami doonaa musharax Maxamed Cusmaan Salaad.

Sidoo kale, laba kamid ah wasiirada xukuumadda waqti xaadirkan ariminaysa ee Deni ayaa liiskan kusoo baxay kuwaasoo kala ah; Maxamed Cali Cusmaan [Majiino] iyo Cabdullaahi Cali Xersi [Timacadde].

Majiino waa wasiirka dekadaha iyo gaadiidka badda ee Puntland, halka Timacade uu ku fadhiyo jagadda wasiirka warfaafinta. Sidoo kale, Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, gudoomiyaha gobolka Bari ayaa liiska ku jira.

Hoos ka akhriso liiska oo dhameystiran

https://scontent-lhr8-1.xx.fbcdn.net/v/t1.6435-9/232444531_1224524777961040_6072217283578288008_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-4&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=yfBFhEMM8iUAX_g5dX_&_nc_ht=scontent-lhr8-1.xx&oh=dd0ba95f6f3baa535433f71f9b2c259b&oe=61360699

https://scontent-lhr8-1.xx.fbcdn.net/v/t1.6435-9/234403674_1224524791294372_3710042293278529128_n.jpg?_nc_cat=1&ccb=1-4&_nc_sid=8bfeb9&_nc_ohc=9vv_tdDr5RsAX_Yxi3U&_nc_ht=scontent-lhr8-1.xx&oh=dd643df3fbc8ded769a3199d4181b606&oe=61389033

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM