Deni oo soo miin-guuriyey "adi lee dubo adilee daangeyso"

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa "waqti geliya" in uu ku kaliyeysto talooyinka go'aanada masiiriga ah.

GAROWE, Puntland – "One-man show" ama "One-man rule" waa nooc hogaamin oo bulshada caalamka si weyn kaga fiigtay. Hase ahaatee, waxay wali ku dambeysaa qaybo kamid ah dunida soo koraysa. Haddii lagu saleeyo waaqica Soomaaliya waxaa soo koobaya erayadda "Adi lee dubo adilee daangeyso".

Madaxda dabeecadahan ku sifoobay ayaa lagu yaqaanaa in ay isku-koobaan talooyinka go’aanadda masiiriga ah, iyo in ay danahooda ganacsi, midka qoyskooda, dhaqaale, iyo siyaasadeed ay uga faa’iideystaan mas'uuliyada shacabka u hayaan marka ay tagaan kulamada caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ku guda jira bilihii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa, ayaa soo miin-guuriyey hab-dhaqankan, sidda ay warsidaha Garowe Online ururisay mudadii uu xilka hayey.

Safarada iyo kulamada dibadda

Arrimaha laga diiwaan-geliyey socdaalada uu Deni ku tagay Muqdisho ama dalka dibadiisa waxaa kamid ah in uu wafdiga la socda ka ilaaliyo in ay qeyb ka noqdaan kulamada uu galayo "si aysan talo ugu yeelan go'aamada masiiriga ee loo gaarayo shacabka ay matalaan ".

"Ajandayaashiisa qarsoon waxay isugu jiraan dano dhaqaale, fursado ganacsi iyo bartilmaameedyo siyaasadeed," ayay illaha loo-qaateenka ah tibaaxeen. "Xataa haddii madaxda kale ay codsato in qaar kamid ah wafuudooda ku wehliyaan shirka [Deni] ayaa dalbada in ay kali noqdaan".

Madaxweyne Dani ayaa sida la rumeysan yahay wafdiga la socda uga taga Hotelada ayaa marka ay soo dhamadaan gaar ahaan shirarka Muqdisho warbixin isagu soo diyaarshey siiya xubnihii ku weheliyey safarka.

Sidda ay macluumaadyadda caddeynayaan, marka uu Deni booqasho ugu baxo dalka dibadiisa oo uu u badan yahay Kenya iyo Imaaraadka wuxuu iska ilaaliyaan mas'uuliyiinta xukuumadiisu la socdaan dhaqdhaqaaqiisa ayna " gawaarida u kaxeeyaan walaalihiis".

"U fiirso wafdi kasta oo ay halmar Deni kawada baxaan magaala madaxda Garowe masoo wada noqdaan iyaga oo wada socda - kali-kali ama koox-koox ayay u soo gurya-noqdaan iyada oo madaxwaynuhu la socon," ayay ku dareen illo wareedyada.

U jajabnaanta hab-dhaqankan

Hab-dhaqanka noocaan ah ayaan ka jirin degaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya iyadoo Deni  yahay maskaxda curisay "uuna hadda barayo qaar kamid ah madaxda maamulada," ayay qireen ilaha.

"Kadib markii Deni uu diidey in xoghaynta madaxwayneyaasha goobjoog ka noqdaan kulan ay hogaamiyeyaasha maamulada yeesheen, madaxweynaha HirShabelle ayaa qaatay kaalinta qoritaanka qodobada laga wada hadlayo (note-ka)," ayay ku dareen illo wareedyada.

Sida ay xogta muujineyso, madaxweynaha Puntland talaabooyinka dadka lagu qaadayo  ee uu qaado inta uu ku guda jiro safaradda dibadda waxaa kamid ah in uu maalmaha ugu dambeeya kahor inta uusan dalka kusoo laaban dago hotel ama uu mar booqdo goobaha Soomaalida joogto.

Hab-dhaqanka noocaan ah ayaa khilaafsan ololaha ay haatan kar-karineyso xukuumadda Deni ee ku aadan barnaamijka dimuqraadiyeynta wallow Ururadda Siyaasadda Puntland ay sheegeen in uu ku hoos jiro ajande qarsoon oo ah muddo kororsi iyaga oo ka digay cawaaqib ka dhalan karta".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM