Taliye cusub oo loo magacaabay ciidanka booliska dowlada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah Cabdi Xasan Xuseen [Cabdi Yarre] u magacaabay Taliyaha Booliska dowlada Puntland ee Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub wuxuu bedelayaa Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse, kaasoo la filayo in uu xilka wareejiyo maalmaha soo aadan kadib munaasabad kooban oo xafiiska uu ku qabto.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Deni oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online kadib markii lasoo dhigay barta Facebook ee Madaxtooyada ayaa isbedel lagu sameeyay.

Cabdi Yarre oo leh waaya-aragnimo dhinaca ciidanka leh ayaa soo noqdey Taliyaha Nabad-sugida Puntland [PIA] mudadii uu xafiiska joogay madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole.

Sidoo kale, wuxuu soo noqdey xiriiriyaha xafiisyadda sirdoonka maamul goboleedyadda Soomaaliya iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha xilligii xukuumaddii Cumar Cabdi Cali Sharmaake.

Hoos ka akhriso digreetada

Madaxweynaha Puntland Oo Magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Garoowe: 27 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 39 ee 27da April, 2020, ku magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Cabdi Xasan Xuseen loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Deni wuxuu isla maanta xilka  ka qaadis ku sameeyay taliye ku xigeenada koowaad iyo saddexaad ee booliska Puntland. Talaabadan waxaa loo cuskaday "dib-u-habeynta ciidamadda bileyska".

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM