Deni oo taliye cusub u magacaabey booliska qeybta gobolka Mudug
GAALKACYO, Puntland - Hogaamiyaha dowlada Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wareegto madaxweyne ku magacaabey Taliyaha Booliska Qaybta Gobolka Mudug.
Sidda laga soo xigtay digreetada oo ku taariikheysan 26-ka bisha May 2019 lana soo gaarsiiyey GO, waxaa jagadaasi loo dhiibay Gaashaanle Sarre, Jaamac Maxamed Axmed.
Magacaabistaan oo qeyb ka ah isbedel dhanka amniga, cadaalada iyo maamulka lagu sameynayo gobolka Mudug ayaa yimid rabitaan ka imaaday bulshada qeybaheeda kala duwan.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA
Gaalkacyo, May 25, 2019: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr. 28 May 25, 2019, ku magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dawladda Puntland
Mar Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland
Markuu arkay: Aqoontiisa yo khibraddiisa shaqo.
Wuxuu xeeriyey:
1.Waxaa G/Sare Jaamac Maxamed Axmed loo magacaabay Taliyaha Qeybta Booliiska ee Gobolka Mudug .
2. Xeerkani waxaa uu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu
GAROWE ONLINE