Deni oo u dhiilo dhaansadey daadihinta isbaheysi mucaarad

Image
Madaxweynaha Puntland ayaa ku howlan in uu mar kale maamulada ku hogaamiye la dagaalanka dowlada federaalka.

GAROWE, Puntland – Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wada abaabulkii ugu dambeeyay ee yagleelida gaashaanbuur mucaarad oo ka dhan ah dowladda federaalka Soomaaliya, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online.

Deni oo ku guda jira bilooyinkii ugu dambeeyay xilheyntiisa ayaa damacsan in uu dib boorka uga jafo is-xulafeysiga madaxda maamulada "si ay dagaal siyaasadeed oo wadajir ah ula dagalaan Madaxtooyadda Soomaaliya".

Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] oo Khamiistii todobaadkan lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaala madaxda Garowe ayaa la filayaa in uu wadahadal siyaasadeed la galo Deni

Fahfaahino kale oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa tibaaxaya in suurtagal ay tahay in madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye [Qoorqoor], uu maalmaha soo aadan ku biiri doono wadaxaajoodka.

"War-murtiyeed ayaa laga yaabaa in ay soo saaraan. Dabcan, waa laga filan karaa luuqad aad u adag," ayay GO u sheegeen shaqsiyaad ku dhow dhinacyadda. "Waxaa macquul ah in ay joojiyaan wadashaqeynta dowlada federaalka".

Fadhigii lagu kala boodey

Arrimaha xoojinaya tuhunka ah in ay joojin doonan wadashaqeynta Villa Soomaaliya waxaa kamid ah in madaxwayne Deni uu ku amray wasaaradaha Puntland in aysan la shaqeyn karin federaalka illaa uu isagu fasaxo.

Amarkan kadib, Deni ayaa u socdaalay Muqdisho halkaasoo wadahadalo dheer kula yeeshay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo diiradda saarey balamo horey iyo joojinta "faragelinta" Villa Soomaaliya ku hayso Koonfur Galbeed.

GO ayaa ogaadey in Xasan Sheekh u sheegay Deni in dowladda federaalka uu waajib ka saaran yahay ilaalinta sharciga iyo federaalka wuxuuna meesha ka saarey in Madaxtooyadda ay ku milan tahay arrimaha doorashadda maamulka Baydhabo.

Balse, illo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay GO in agaasimaha Madaxtooyadda Soomaaliya, Xuseen Sheekh Maxamuud, uu horkacayo ololaha maamulka Xasan Sheekh ku doonayo in uu shaqsi ay wataan "u caleema-saaraan Koonfur Galbeed".

"Markii kulankaas uu fashil kusoo dhamaadey, Deni wuxuu wacay Laftagareen oo joogay Itoobiya una sheegay in uu ku laabto Baydhabo," ayay xuseen illo wareedyadda. "Wadahadal kadib waxay isku-raaceen in ay Garowe ku shiraan".

 Xukun jaceylka Saciid Deni

Sida laga soo xigtey qaar kamid ah saaxiibadiisa aadka ugu dhow, madaxwayne Deni ayaa ku fikiraya talaabooyin u hirgelinaya muddo kororsi sharci darro ah si uu xukunka baaqi ugus ii ahaado illaa doorashadda soo aadan ee federaalka.

Qaar kamid ah ururada siyaasadda iyo shacabka ayaa cod dheer waxay ku sheegeen in damaca Deni uu horseedi doono qalalaase siyaasadeed iyo xasilooni darro waxaana ay ku waaniyeen in uu ka laabto "dimuqraadiyada qoriga lagu wado".

Warbixinada ayaa intaas ku daraya in iskaashiga cusub ee uu la sameysanayo qaar kamid ah maamulada ay salka ku hayso sidii uu uga heli lahaa Xildhibaano marka la gaaro doorashadaas oo wali aan la ogeyn nooca rasmi ahaan lagu geli doono.

"Madaxweynaha Puntland wuxuu isbaheysi noocaan oo kale ah uu la sameysto madaweynaha Jubaland intii loo diyaar-garoobayay doorashadii 2021-22. Balse, wixii ka dambeeyay 15-ka May, 2022, ma fiicneyn xiriirkooda," ayay illaha xuseen.

Markii uu ku guuldareystey madaxtinimada, Deni ayaa raadiyey xilka ra’iisul wasaaraha. Hase ahaatee, ololihiisa ma uusan mirodhalin. Ra'iisul Wasaare Xamse oo jagada uma muujin wadashaqeyn isaga oo u diidey in uu tago Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM