Deni oo u xusul-duubanaya soo celinta nidaamka hanti-wadaaga

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Puntland ayaa qorshenaya in uu hirgeliyo nooc diiwaan-gelin oo uu ki kaliyeysto urur siyaasadeedkiisa KAAH.

GAROWE, Puntland - Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka shaqeynaya diiwaan-gelin doorasho hal dhinac ah oo ku kooban urur siyaasadeedkiisa KAAH, sidda sheegayaan warar laga helay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Deni ayaa, sidda ay xogta sheegeyso, waxa uu amar ku bixiyey in shaqaalaha rayidka iyo ciidamadda ay ka qeyb-qaataan diiwaan-gelinta kuwaasoo ay xaaraan ka tahay ku milanka siyaasadda.

"Madaxweynuhu wuxuu doonayaan in uu qabto doorasho lamid ah ama u qaab eg noocii hanti-wadaaga ama kacaanka," ayay sheegeen dad aad ula socda dhaqdhaqaaqa Deni. "Waa hab-dhaqanka kalitalisnimadda".

Ururadda siyaasada Puntland ayaa badankooda waxay iska diideen ka qeybgalka diiwaan-gelinta sababo ku aadan damaca daahsoon ee Deni ka leeyahay geedi-socodka oo ah muddo kororsi.

"Inta badan ururadda ugu tunka weyn sidda Horseed, Mideeye iyo Ururka Dhalinyaradda ayaa ka biyo-diidan qorshahan guracan," ayay raaciyeen illo wareedyo. "Qaar waxaa jira u jaranjeera dhanka xukuumadda balse waxay ku dhamaan doonan maqaar-saarnimo".

Kadib markii uu guuldaro kala soo hoydey doorashadii federaalka May, 15, 2022, madaxwayne Deni ayaa ku fekeraya in uu xukunka Puntland sii haysto illaa 2026 si uu mar kale ugu tartamo madaxtinimada Soomaaliya.

Riyadaas ayaa meesha ka saareysa hadalada quruxda badan ee fagaareyaasha ka sheego Deni ee ah in uu nidaamka dimuqraadiga ah uga hirgelinayo Puntland si uu talada dib loogu celiyo shacabka.

Dadweynaha Puntland ayaa muujiyey in ay diyaar u yihiin qof iyo cod intii lagu guda jiray doorashooyinkii tijaabada ahaa ee Eyl, Qardho iyo Ufeyn. Balse, waxaa niyad-jabiyey musuqa hareeyay.

Korjooto madax-banaan ayaa soo wariyey laaluush bixin, cod kala iibsasho iyo ku takrifal awoodeed kuwaasoo Madaxtooyadda Puntland ay socod-siintooda u adeegsatay hantida dadweynaha.

Saaxiibada caalamiga ah ayaa ugu baaqay dhamaan dhinacyadda siyaasada Puntland in ay miiska wadahadalka ku dhameeyaan khilaafka waxaana ay ka digeen geedi-socod hal dhinac ah. Tani waxay madax-xanuunka ku kordhisay Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM