Deni oo waji-gabax kala kulmay wakiiladda Beesha Caalamka

Image
Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka hareen ee Puntland ayaa xubnahan kula kulmay Nairobi.

NAIROBI, Kenya - Madaxwaynaha muddo xileedkiisa ay bilooyinka ka dhiman ee Puntland ayaa Isniinta maanta ah waxa uu magaalada Nairobi kula kulmay wakiiladda Beesha Caalamka ee Soomaaliya.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa, sidda uu ogaadey warsidaha Garowe Online, waxay diblumaasiyiinta kala hadleen arrimo ay kamid tahay ka maqnaanshiyahiisa shirarka masiiriga ah.

GO ayaa ogaadey in deeq-bixiyeyaasha ay u sheegeen Deni in ka maqnaanshiyahiisa shirarka dowladda federaalka iyo maamuladda ay dhaawac ku tahay "dowlad dhiska Soomaaliya".

"Wakiiladda Beesha Caalamka waxay ku nuux-nuux-sadey in muhiim ay tahay in doorka Puntland ee shirarkan ay noqdaan kuwa laf-dhabar ah oo aan marnaba la waayi karin," ayuu yiri illo war-gal ah.

Dhinaca kale, Deni ayaa waxa uu ku fashilmay in uu safiiradda ka iibiyo aragtidiisa ku aadan in uu kasii maqnaado kulamadan taas badalkeedana uu la kulmay cadaadis ah in uu xaadiro kulamadan.

"Madaxweynaha wuxuu isku-dayay in uu ku qanciyo Beesha Caalamka in ay taageeraan aragtidiisa ah in uu kasii maqnaado shirarka. Hase ahaatee, waxay tusiyeen cawaaqibka ka dhalan kara oo dib-u-dhac ku yimaada guud ahaan geedi-socodka dowlad-dhiska oo ay kamid tahay deyn-cafinta iyo dhismaha ciidamada," ayay ku dareen illo wareedyada.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli Deni uu maalmihii lasoo dhaafay uu Nairobi ugu yeeray xubnaha ugu muhiimsan ee wasiiradiisa isla markaana ujeedku ahaa in ay ku wehliyaan wadahadalkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM