Deni oo xilka ka qaadey taliye ku xigeenadda booliska Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah wuxuu xilka ka qaadey Bile Faarax Cali, Taliye ku xigeenka koowaad ee Ciidanka Booliska dowladda Puntland.

Sidda lagu sheegtay wareegto kasoo baxday xafiiska Deni, waxaa sidoo kale la eryay Gaashaanle Sarre Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag), oo ahaa Taliye ku xigeenka saddexaad ee bileyska.

Digreetadda ayaa intaas ku dartay in Deni uu qaadey talaabadaas "kadib markii uu garowsadey in dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Hoos ka akhriso digreetadda

Madaxweynaha Puntland Oo Xil-ka-qaadis ku sameeyay Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Garoowe : 27 April 2020 : Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 40 ee 27da April, 2020, ku soosaaray Xil-ka-qaadis uu ku sameeyay Taliye ku xigeenada Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

Markuu garowsadey: In dib-u-habeyn lagu sameeyo Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey S/Guuto Bile Faarax Cali Taliye ku xigeenka 1aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

2. Waxaa xil-ka-qaadis lagu sameeyey G/Sare Axmed Maxamuud Cali (Jeenitaag) Taliye ku xigeenka 3aad ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND


Wareegtada ayaa nan lagu magacaabin saraakiisha bedeleysa. Balse, waxaa la filayaa in sidda ugu dhaqsiyaha badan uguna macquulsan loosoo bandhigo, si aysan hakad ugu imaan shaqooyinka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM