Deni: Cidna kama ogolaaneyno burburinta nidaamka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Daahfuray duulimaadyada shirkadda caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline.

Daahfurka duulimaadyada shirkaddaasi ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinaayey Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Ku-xigeenka Madaxa shirkadda Itoobiyaan Airline iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Puntland ayaa tilmaamay in daahfurka duulimaadyada caalamiga ah ee Itoobiyaan Airline ay tahay guul u soo hoyatay Puntland, waxaa uu hoosta ka xariiqay in guushaasi ku hirgashay isku duubnida shacabka iyo dowladda Puntland.

"Waxaan maanta joognaa Garoonka Diyaaradaha Janaraal Maxamed Abshir Garoowe oo ay astayntiisu soo bilaabatay xilligii Madaxweyneyaashii hore ee Puntland iyo Aniga, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland iyo Golaha Xukuumadduna waxaanu ku guulaysanay duulimaadkii ugu horeeyey oo caalami ah inaan hirgelino maadaama uu garoonkani yahay mid caalami ah, waxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo kasoo qayb qaadatay oo ay ugu horeeyaan madaxda shirkadda Itoobiyaan Airline".

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa hoosta ka xariiqay in Puntland Soomaaliya inteeda kale uga duwan tahay hogaanka suuban, waxa uu ka digay in dhallinyarada si qaldan loo adeegsado, Puntlandna aanay cidna ka ogolaanayn inay nidaamkeeda burburiyaan.

"Puntland hogaanka ayey uga duwan tahay Soomaaliya inteeda kale, waxaan ka digayaa dadka daneynaya in ay bulshada hogaankeeda wiiqaan oo dhallinyarada ku kiciyaan, waxaan qirayaa in ninkii sameeyey Heesta 'Ku dayo Puntland' uu wax wanaagsan sameeyey, waxaan leeyahay nagu dayda, maaha in dadka la hareer maro oo wax aan jirin loo akhriyo , hayaankeennu waa in uu qeexan yahay, waxaan caddeynayaa in reer Puntland aysan cidna ka ogolaaneyn in ay nidaamkeeda burburiso". Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

MUUQAALKA DENI

Puntland State House

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM