Deni: Puntland waa in ay ku tiirsanaanta qof uga gudubto hay'addo

Image
Madaxweynaha ayaa carabka ku adkeeyay in ciidanka waajib gaar ah ka saaran yahay sareynta sharciga.

GAROWE, Puntland - Puntland waa in ay ka korto sareynta qofka una gudubto dhaqan-gelinta sharciga iyo adkeynta hay'adaha dowliga ah, sida Axada maanta ah uu shaaca ka dhigay madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

"Waxaa rajaynayaa in 23-sano kadib ay Puntland ka korto wax qof la yiraahdo [una gudubto] hay'ado dowli ah. Waa dabiici marka bulsho soo kabaneyso lagu tiirsanaayo qof wax-qabadkiisa ama kartadiisa," ayuu tibaaxay. 

Ciidamadda ayuu si gaar ah farta ugu fiiqay in ay laf-dhabar u yihiin sareynta sharciga. Sida laga soo xigtey Deni, shacabka waxay mar walba ka tixraacayaan talaabooyinka ay askarta ku dhaqaaqaan.

"Hantida ugu weyn ee Puntland ay ilaashan doonto waa sareynta sharciga. Sharciga ciidanka wuu ka duwan yahay kan shacabka maxaa yeelay dowlad waxay ku jirtaa ciidamada. Ciidanka oo ilaaliya sharciga waa muhiim," ayuu yiri.

Puntland ayuu xusay in ay miisaaniyada ugu badan ay u gelineyso ciidamadda si ay u ilaaliyaan sharciga "maxaa yeelay haddii ciidanka sharciga ilaalin waayaan shacabka uma joojinayaan, waxaana rajeynayaan in ay ilaaliyaan".

Hadaladan ayuu Deni ka sheegay munaasabad ay xilka kula kala wareegeen Taliyihii cusub ee Ciidanka Asluubta Puntland Jeneraal Bile Faarax Cali iyo Taliyihii hore Ciidanka Asluubta Puntland General Cali Nuur.

Deni ayaa boggaadiyay shaqada wanaagsan ee uu muddo dheer soo qabtay Gen. Cali Nuur Taliyihii Asluubta ee maanta xilka wareejiyay, Wuxuuna ku maamusay in Bilad Shahaado Sharaf uu ku muteystay wax-qabadkiisa.

Kuliyadda Tababarada Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed ee ku taalla Garoowe ayuu iclaamiyey in loogu magac daro Gen Cali Nuur, maadaama uu muddo badan ka badan ka shaqeynayay dhismaha Ciidanka Asluubta Puntland.

Ugu dambeyntii, Deni oo ay ka qeybgalka xafladda ku wehliyeen Wasiirka Cadaaladda, Saraakiisha Ciidamada Asluubta iyo Booliska Puntland iyo martisharaf kale ayaa tibaaxay in la ciqaabi doono askarii baalmara shuruucda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM