Deni: Soomaaliya waxay wajahaysaa hogaan la'aan

Image
Image
Image
Image
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale wuxuu si aan toos ahayn ugu jawaabay Qoorqoor.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta furay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Deni ayaa Khudbaddiisa Dastuuriga ah uga hadlay Amniga iyo Tayeynta Ciidamada, Doorashooyinkii taariikhiga ah ee hal cod iyo hal qof, mashaariicda horumarin ee Dowladdu hirgelisay, xaaladda guud ee Soomaaliya iyo wadashaqeynta Puntland iyo Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

"Waxaan dadweynaha Soomaaliyeed u xaqiijinayaa inay Dowladda Puntland, mar walba wada shaqayn dhow iyo iskaashi la leedahay Dowladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka Somaaliya, wax kasta oo amniga iyo horumarkooda caqabad ku ahna uu sidoo kale lid ku yahay amniga, xasillonid iyo horumarka Puntland," ayuu yiri.

Dhawaqan ayay dad badan ku tilmaameen mid uu uga jawaabayo hadal shalay kasoo yeeray dhigiisa Galmudug oo la sheegay in uu Puntland la xiriirinayo coladda magaalada Guriceel.

Mar uu ka hadlaayey xaalada Soomaaliya, Deni ayaa yiri "Puntland liddi kuma ahan amniga maamul kasta oo ka jira Soomaaliya oo hadda wajaheysa firaaq hogaamineed".

Sidoo kale, shacabka ay Somaliland kasoo barakicisay magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo ayuu hoosta ka xariiqay in ay Puntland diyaar u tahay in ay u fidiso gargaar iyo soo dhaweyn.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada DPL Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaanada Golaha Wakiillada DPL, Qaar ka mid ah senatarada cusub ee Puntland ku metelaya DFS, Saraakiisha Ciidamada Amniga, Saraakiil Madaxtooyo iyo marti sharafkale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM