Deni: Waa khiyaano qaran diidmada isbedelka agaasinkii hore ee PSF

Image
Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa ku waaniyey hogaankii hore ee hay'adda in uusan suurad xumeyn sooyaalkiisa.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha dowlada Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa "khiyaano qaran" wuxuu ku tilmaamay diidmadda agaasinkii hore PSF ka muujiyey isbedelka lagu sameeyay hogaanka hay'addan.

Deni oo shacabka Puntland si toos ah kaga hadlay telefishinka ku hadla afka dowladda Puntland ayaa ku waaniyey taliyihii hore ee hay'adda in uusan iska suurad xumeyn sooyaalkiisa dambe ee siyaasadda.

"Waxaan ugu baaqayaa agaasimihii hore ee PSF - isaga, aabihiis iyo walaalkiisa - oo difaaca dalkan wax badan kasoo qeyb-qaatay in uusan iska xumeyn taariikhdiisa dambe," ayuu ku daray hadalkiisa.

Isaga oo si aan toos ahayn uga hadlay mid kamid ah shuruudaha uu ku xiray in uu xilka wareejiyo, Deni ayaa "ceeb" ku tilmaamay in mas'uulka uu sheegto mukliyada xarunta hay'ad dowladeed marka xilka laga qaado.

"Dowlada Puntland waxay leedahay madax mid ah, ciidan mid ah, iyo khasnad mid ah. Waana intaas waxa ay horumarka ku gaartey. Meelaha aysan arrintaas ka jirin waan ognahay waxa ka jira," ayuu yiri.

Ciidamadda taabacsan agaasinkii hore ee PSF ayuu ugu bishaareeyay in aysan jirin cid weerar u ah. Ciidanka dowladda ayuu ku tartarsiiyey in aysan xabad ridin "xataa haddii lagu xadgubo".

"Hantida dowlad Puntland baa leh. Qof kasta oo xil u haya dowladda Puntland dadka ayuu u shaqeynayaa. Markii xilka laga qaadana waa in uu dadkiisa kamid noqdo," ayuu hoosta ka xariiqay.

Odayaasha dhaqanka ayuu ku booriyey in ay kaalin muuqata ka qaataan xal u helida xiisadda Boosaaso. Dadweynaha ayuu cod dheer kaga dalbadey in ay si caadi ah u wataan noloshooda "wax kastana xal dhalay laga noqdo".

"Dowladda waxay sameyn doontaa baaritaan ku saabsan khasaarihii dhashay, ciddii ka dambeysay. Warbixintaas waxaa lasoo gudbin doonaa marka dadka samadoonka ah ay xalka ku guuleystaan," ayuu ka dhawaajiyey.

Ugu dambeyntii, Deni oo sheegay in Soomaaliya ay ku jirto hubanti la'aan dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, abaaro ba'an ayaa rajeeyay in midnimo looga gudbo. Saxaafadda ayuu ka codsadey in ay nabadda ka shaqeeyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM