Deni: Waxaan aragnaa Puntland oo shaqo loosoo doonanayo

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah wuxuu xarigga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta, qeybtan cusub ayaa si gaar ah waxaa loogu talagalay inay noqoto waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deni ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, kadibna wuxuu kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhammaadkii munaasabadda.

Madaxweynaha ayaa wuxuu goobjoog ka noqday la kala wareegista dhismaha oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda iyo Hay’adda kala shaqeysay ee Save The Children ee Qaramada Midoobay.

Intaas kadib, madaxwayne Deni ayaa wuxuu abaalmarino kala duwan uu guddoonsiiyay masuuliyiintii iyo howl-wadeenadii kaalinta weyn ka cayaaray shaqada laga qabtay dhismaha.

Intii lagu guda jiray hadaljeedin uu Deni ka sameeyay madasha, wuxuu ka hadlay mawduucyo ay kamid tahay shaqo la'aanta isaga oo tibaaxay in Puntland aysan ka jirin shaqo la'aan badan.

''Dadka ka cabanaya shaqo la'aanta waa ma shaqeysteyaal sababtuna waa Puntland waxaan aragnaa iyadda oo shaqo loosoo doonanayo," ayuu ka dhawaajiyey madaxweynaha dowladda Puntland.

Dadka Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaaso in ka badan 15 milyan ruux ayaa la aaminsan yahay in 70% ay yihiin shaqo la'aan ayna qeyb ka tahay xasilooni daradda iyo tahriibka soo batay sanadihii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM