Deni: Waxaan aragnaa Puntland oo shaqo loosoo doonanayo

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta si rasmi ah wuxuu xarigga ka jaray xarun cusub oo loo dhisay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee dowladda Puntland.

Sida ay sheegeen mas'uuliyiinta, qeybtan cusub ayaa si gaar ah waxaa loogu talagalay inay noqoto waaxda Imtixaanaadka ee Wasaaradda Waxbarashadda Puntland.

Deni ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, kadibna wuxuu kormeeray qeybaha uu ka koobanyahay dhammaadkii munaasabadda.

Madaxweynaha ayaa wuxuu goobjoog ka noqday la kala wareegista dhismaha oo ay kala saxiixdeen Wasaaradda iyo Hay’adda kala shaqeysay ee Save The Children ee Qaramada Midoobay.

Intaas kadib, madaxwayne Deni ayaa wuxuu abaalmarino kala duwan uu guddoonsiiyay masuuliyiintii iyo howl-wadeenadii kaalinta weyn ka cayaaray shaqada laga qabtay dhismaha.

Intii lagu guda jiray hadaljeedin uu Deni ka sameeyay madasha, wuxuu ka hadlay mawduucyo ay kamid tahay shaqo la'aanta isaga oo tibaaxay in Puntland aysan ka jirin shaqo la'aan badan.

''Dadka ka cabanaya shaqo la'aanta waa ma shaqeysteyaal sababtuna waa Puntland waxaan aragnaa iyadda oo shaqo loosoo doonanayo," ayuu ka dhawaajiyey madaxweynaha dowladda Puntland.

Dadka Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaaso in ka badan 15 milyan ruux ayaa la aaminsan yahay in 70% ay yihiin shaqo la'aan ayna qeyb ka tahay xasilooni daradda iyo tahriibka soo batay sanadihii dambe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM