Deni: Waxaan soo bandhigayaa arrimo aan horey uga gaabsadey

Image
Hadalka madaxweynaha ayaa kusoo aadaya xilli uu isu soo taagay hogaaminta Soomaaliya.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Deni oo xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu u taaganyahay qabashada xilka hogaaminta Soomaaliya ayaa shaaciyey in uu maalmaha soo aadan soo bandhigi doono "waxyaabo uu ka gaabsan jiray".

"Waxaan rabaa caawa inaan dadka reer Puntland iyo dadka Soomaaliyeedba u sheego in aan u taaganahay qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan halkan baaq uga diraya dhammaan Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya in ay ku midoobaan in maamulka hada jira la bedelo, hadafka u weyn oo aynu leenahay waa in uusan sii joogi karin Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si dalka loo samatabixiyo oo uu hore u socdo. Hadafka koowaad oo aan lee ahay waa kaas waxaan rabaa inaan kala shaqeeyo cidkastoo hadafkaas leh".

"Aniga iyo dadka reer Puntland oo ay ugu horeeyaan Xildhibaanada labada Aqal iyo kuwa kale ee State-yada kale iyo dadka Soomaaliyeed dhammaantoodba waxaan rajeynaya in aan kawada qeyb qaadano isbedel muuqda oo ku dhisan nidaam dimuqraadi ah, nidaam horumarka u shaqeynaya, nidaam wanaaga iyo isjacaylka abuuraya, nidaam turxaan bixinaya khilaafaadka dadka, kala dheerashahana iyo bulshada dhexdeedana illaalinaya inuu marwalba Isku soo dhoweeyo," ayuu ku daray.

Deni ayaa musharxnimadiisa ku shaaciyey xafladda gunaanadka doorashada Xildhibaanada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Munaasabadda oo ka dhacdey gudaha Madaxtooyada waxaan goobjoog ahaa Doorashooyiinka heer Puntland iyo heer Federaal , Goleyaasha Dowladda Puntland iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Puntland.

"Madaxweyne Deni waxaa ka go’an oo uu isu taagay Sidii uu dalka uga badbaadin lahaa xaaladda halista ah ee uu dalka dhaxalsiiyey nidaamka hadda jira, iyo in dalkeena loo horseedo nabad, midnimo, dadka oo codeeya iyo horumar in dalka la gaarsiiyo," ayay Madaxtooyada ku tiri qoraal.

Sikastaba ha ahaatee, Deni ayaan fahfaahin dhameystiran wuxuusan ka bixin arrimaha uu horey uga gaabsadey ee uu soo bandhigi doono maalmaha soo aadan iyadda oo aan la ogayn hadii ay qodobaddaas qeyb ka yihiin qorshihiisa ololaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM