Dhabancad: Dowladdu way ka go'an tahay hirgelinta doorashada

Image
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa meesha ka saarey "shaki la geliyey" mowqifka xukuumadiisa.

GAROWE, Puntland - Dowlada Puntland way ka go'an tahay qabashada doorashada horudhaca ah ee dowladaha hoose, sida uu ka dhawaajiyey wasiirka arrimaha gudaha, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Ururada siyaasada ayuu sheegay in nuxurka warqadooda soo baxdey asbuucaan ay tahay dib-u-dhigida hirgelinta barnaamijka dimuqraadiyeynta ayna cuskadeen "qeyb kamid ah xaaladaha dalka ka jira".

Sida laga soo xigtay Dhabancad, warqadaas iyo fal-celinta bulshada muujisay waxay sababtey in shaki uu galo haddii dowlada Puntland ay ka go'an tahay in ay sii socod-siiso hanaanka xisbiyada badan.

"Sidaas darteed waxaan rabaa in aan halkan kula wadaago shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Puntland iyo daneeyeyaasha caalamiga ah in dowlada Puntland oo uu ugu horeeyo madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni ay ka go'an tahay hirgelinta iyo ka guul-gaarista barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland, hadduu ilaahey idmo," ayuu yiri.

Doorashada horudhaca ah ayaa lagu waddaa in 25-ka October, 2021 ay ka bilaabato degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyadda oo guddiga maamulaya coddeynta uu ku jiro diyaar-garowgii u dambeeyay.

Deni ayaa maalmihii ugu horeeyay xafiiskiisa magacaabay guddiga. Baarlamaanka wuxuu dhameystiray sharciyadii loo baahnaa. Guddiga wuxuu ku guuleystay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo wacyi-gelinta.

"Waa run caqabado waaweyn ayaa jiray intii shaqooyinkaas socdeen oo ay kamid ahaayeen Covid-19, dabaylo, amniga iyo wadahadalada doorashooyinka. Hadana waxaan caddeynaynaa in siyaasiyan dowlada Puntland ka go'an tahay in uu guuleysto barnaamijkan. Wixii caqabado ah ee la isla og-yahay waa laga wada-hadlayaa," ayuu kusoo xiray.

Puntland oo horey hormuud ugu noqotay in Soomaaliya ay qaadato nidaamka federaalka ayaa hadana waxay u muuqanaysaa mid mar kale hogaanka u qabaneysa qabsoomida doorashooyin ay rayidku coddeynayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM