Dhakhtarad iska soo tuurtay dabaqa hotel ku yaala Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Dr. Nadia Omar oo ah dhakhtar ku takhakhusay xanuunada Haweenka una dhalatay dalka Ethiopia ayaa habeenkii xalay dhaawac halis ah ku soo gaarey magaalada Garowe kadib markii ay iska soo tuurtey dabaqa ugu sareeya CITY VIEW Hotel oo ku yaal magaalo madaxda Puntland.

Dhakhtaradan dhalinyarada ah oo kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee dalka Ethiopia waa dhakhtarad Muslim ah waxayna u dhaxday dhakhtar asal ahaan kasoo Jeeda Suuriya balse haysta dhalashada Turkiga oo la yiraahdo Maxamed Cabdixamiid kaasoo ku takhakhusay xanuunada gaaska & uurkujirta.

Dr. Nadia ayaa bilowgii sanadkan ka tagtay shaqadii ay ka haysey Garoowe gaar ahaan Qaran Hospital oo ay ka ahayd dhakhtar xanuunada Haweenka ah.

Intii ay ka hawlgelaysey Qaran Garoowe waxay fulisey hawlgalo caafimaad oo ay kujireen qaliimo adag kuwaasoo dhamaan ay ku guulaysatey sida warbaahinta u sheegeen maamulka Qaran Hospital.

Garowe Online oo la hadlay qaar ka tirsan howl wadeenada ISBITAALKA Qaran ayaa waxa ay u sheegeen in Gabadhaan aysan in muddo ah shaqeyn sababo la xiriira dhibaca caafimaadkeeda balse magaalada Garowe u joogtey ninkaan Suuriga ah ay u dhaxdey.

Laamaha amaanka oo waqti xaadirkan diidey in ay saxaafadda uga warbixiyaan sababta keentay dhacdadan ayaa wada baaritaano ku aadan sababta keentay shilka soogaarey Dhakhtaradan.

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM