Dhaliisha isbedelka xeer-hoosaadka oo laga jawaabay

Image

GAROWE, Puntland - Baarlamaanka Puntland ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeeray Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac [Kuluc] kaasoo duray wax ka bedelka xeer-hoosaadka Golaha Wakiilada maamulkan.

Bayaanka ayaa lagu beeniyay in wax ka bedelka uu baalmarsan yahay dastuurka Puntland laguna sameeyay qaab waafaqsan qodobadda 74aad, 75aad iyo 76aad ee xeer-hoosaadka xeer-dejinta.

"Ma jiro qodob kamid ah xeer-hoosaadka oo sheegaya in Xildhibaanada dib loosoo dooran waayo ay mushaharkooda u heli doonan bil walba si joogto ah," ayaa la raaciyey qoraalkan lagu faafiyey barta Facebook-ga.

Bayaanka oo ku taariikheysan 13-ka bisha Julaayo, sanadkan 2021-ka ayaa la raaciyey "[Balse] wuxuu sheegayaa in Xildhibaanada la siinayo mushaharkooda muddo laba iyo tobban (12) taasoo ah sii sagootis ah".

Sida ku xusan warka qoraalka ah, Xildhibaan Axmed Kuluc ayaa "ka maqnaa dhamaan fadhiyaddii uu golaha kaga go'aan qaadanayey wax ka bedelka iyo ansixinta xeer-hoosaadka Golaha Wakiiladda".

Is-qabqabsiga ka dhashay wax ka bedelka xeer-hoosaadkan la meelmariyey 4-tii Julaayo, 2021 ayaa u muuqaneysa mid cirka isku sii shareertay, waxaana ay dhawaqa baarlamaanka imaanayaa xili fasax uu ku jiro.

Fasaxaas oo saddex maalmood ah kana bilaabaneysa shalay oo Isniin ahayd ayaa waxaa loo siiyey mudaneyaasha in ay kusoo akhriyaan Hindise-Xeereedka Dhawrista Goobaha Taariikhiga ah oo shalay loo wada qeybiyey.

Hoos ka akhriso bayaanka guddoonka Golaha Wakiilada

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM