​Dhaqaatiir qalliin ka fulinaysa Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa shaacisay in horraanta bisha 08-aad magaalada Garowe ay imaan doonaan dhaqaatiir ajaanib ah kuwaasi oo qalliin lacag la'aan ah u samayn doona hooyooyinka qaybtood.

Dhaqaatiirtan oo kasoo jeeda dalka Sacuudiga 08 Augusto, 2016 muddo kooban daweyn doona cudurka loo yaqaanno Isku-furanka kaasoo ku dhaca haweenka.

Agaasimaha waaxda Caafimaadka Asaasiga ah ee wasaaradda Caafimaadka Cabdirasaaq Garweyne oo la hadlay Radio Garowe, ayaa dumarka ugu baaqay inay ka faa'iidaystaan fursadan, iyagoo iclaamiyay inay billaabeen diiwaangalinta dadka laga daweynayo cudurkaasi.

Garweyne, wuxuu sheegay in qorshahan dadaal dheer u gashay wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland,isagoo xusay in cudurkan yahay mid inta badan haweenku ka cowdaan, balse leh dawo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM