Dhaqdhaqaaq ciidan oo dib uga bilowday caasimada Puntland

Image
Talaabadan ayaa ka dhalatay amar uu bixiyey madaxweynaha waqtiga ka dhacayo Saciid Cabdullaahi Deni.

GAROWE, Puntland - Qeybo kamid ah magaalada Garowe ayaa xalay waxaa lagu yaaciyey ciidamo ka tirsan PMPF, oo ay taageerto Dowladda Imaaraadka Carabta, iyo ciidamo kale oo uu hoggaaminayo Cabdiraxman Rabaax oo isku qoys yihiin Dani.

Talaabadaan ayaa argagax ku abuurtey shacabka magaalo madaxda Puntland ee Garowe. Qaarkood oo la hadlay Garowe Online waxay su'aal geliyeen ujeedada laga leeyahay ciidankan.

Sidda wararka lagu kalsoon yahay sheegayaan, ciidamadaan ayaa xirtey qaybo kamid waddooyinka gala xerada ciidamada Danab Puntland taas oo sababtey in ciidamadaas heegan galaan.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Dani ayaa, sidda la sheegay, amray gudoomiyaha gobolka iyo guddiga amniga inay soo saaraan warbixin ku saabsan arrintan kadib markii wax laga waydiiyey.

21 June 2023, Gudiga Amniga Gobolka Nugaal ayaa beeniyay wararka sheegaya dhaqdhaqaaq ciidan ee ka jira Garowe iyaga oo tibaaxay inay xabad joojintii lagu dhawaaqay ee hirgashay wax dhaqdhaqaaqana aysan jirin.

Gudomiyaha gobolka nugaal Cawil Xasan Tooxyare Mataan ayaa yiri: "Ma jiro dhaqdhaqaaq ciidan dadka raba inay qixiyaan bulshada nabada ahna waxaan ugu baaqayaa inay ka waantoobaan".

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray: "Garowe waa amni heshiishkii xabad-xoojinta ayaa hirgalay wax kale ma jiraan ciidamo is-agfadhiyana ma Jiraan ee yanan la qixin Bulshada nabada ah".

Mataan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ugu baaqay tagaasilayda iyo shirkadaha gadiidka ee qaybta ka ah qixinta dadka shacabka ah inay Ka waantooban warar aan jirina ummada lagu qixin".

Dadweynaha ayuu waydiistay in ay guriyahooda ku nagaadaan isla markaana ay noloshooda si caadi ah kusoo laabato. Hadalkan waxa uu imaanayaa xlli sawirro iyo muuqaalo ku baahay internet-ka ay caddeeyeen rayid ka barakacaya guriyahooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: We will not sit idle and wait for external support in the ISIS battle

So far, the local security teams have killed over 60 terrorists, destroying several bases in the process within the Bari region.

  • Puntland

    08-02-2025

  • 10:40AM

Puntland Kaligeed Ayay Ku Jirtaa Dagaalka – Madaxweyne Deni oo Ka Hadlay Howlgalka

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowlado qaar ay gacan ka geysteen…

  • Puntland

    06-02-2025

  • 04:37PM