Dhismaha golyaahsa degaanka Garowe & Bosaso oo dib u dhacey

Image

11 August, 2015 (GO)- Wararka warssidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa xusaya in dib u dhac ka muuqdo howlahii lagu soo magacaabi lahaa golayaasha degaanka Garowe iyo Bosaso iyadoo wararku sheegayaan in dadweynaha degan magaalyinkaas welwel ka muujinayaan mashaariic loogu talagaley magaalooyinkaas in waqtigoodu dhaco.

Mashruuca JPLG ee horumarinta degmooyinka oo bixintiisu ku xiran tahay dhismayaasha golaha degaanka magaalooyinka Puntland ayaa qiimeynta lagu sameeyo sanadwalba waxy ku egtahay bishaan gudaheeda taasoo meesha ka saareysa qoondeynta mashaariicdaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Puntland oo la hadley Radio Garowe 4 August,2014 ayaa sheegey in golayaasha degaanka magaalooyinka Garowe iyo Bosaso lagu soo dhisi doono muddo sadex cisho gudohood ah arinkaas oo ay hada ka muuqata mid aan dhaboobin. Halkan ka dhageyso

Waxgaradka magaalooyinkaan ayaa wel-wel weyn ka muujinaya dib u dhaca ka muuqda dhismaha maamulada degmooyinkaan iyadoo wararku sheegayaan in qabaa'ilka soo dhameystireen magacaabista xubnihii ka mid noqon lahaa goloyashaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM