Dhul-gariir cabirkiisa uu dhan yahay 5.4 oo ka dhacay Soomaaliya

Image
Illaa haatan, lama soo sheegin wax khasaaro nafeed iyo dhimasho ah oo ka dhashay dhul-gariirka.

GAROWE, Puntland - Dhul-gariir cabirkiisu yahay 5.4 ayaa Sabtidii shalay ka dhacay meel 156 KM waqooyi kaga beegan magaalada xeebeedka Laasqorey, sidda ay sheegtey hay'adda Sahanka Juquraafi ee Maraykanka (USGS).

Sidda laga soo xigtey warbixinta cusub ee ay daabacdey hay'adda USGS, musiibadan rabaaniga ah ayaa dhacay abaare 19:28:03 waqtiga maxaliga ah (UTC 05:30) waxaana baaxadda dhul-gariirku ahayd 10.0 km.

USGS oo hadalkeeda sii wadata isla markaana caddeysay in ay xog kooban ka heshay dhul-gariirkan ayaa waxay tibaaxdey xudunta dhul-gariirka laga helay qiyaas dhan 12.571°N iyo 48.095°E, siday u kala horreeyaan.

"Illaa haatan, lama soo sheegin wax khasaaro nafeed iyo dhimasho ah oo ka dhashay dhul-gariirka. Fahfaahin dheeraad ah haddii ay soo baxaan waan isla soo wadaagi doonaa," ayaa lagu soo gabagabeeyay war-saxaafadeedka hay'adda.

Ma jirto wax war ah oo illaa haatan ay dhul-gariirkan kasoo saareen mas'uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland mana suurtagelin isku-dayo la doonayay in wax looga waydiiyo.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamada ay dhif iyo naadirka tahay in ay ka dhacaan dhul-gariiradda waxaana yar khasaaraha ka dhasha haddii ay xataa dhacaan. Dhul-ruxanada cabirkoodu yahay 5.4 ayaan inta badan la dareemin.

Dhul-gariirada cabirkoodu dhan yahay 6.1 illaa 6.9 ayaa waxay geystaan khasaaraha ugu badan balse waa marka ay ka dhacaan goobaha ama magaalooyinka ay dadka badan ku nool yihiin waana kuwa si baaxad leh loo dareemo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyay Golaha Mucaaradka ee Muqdisho laga dhawaaqay

Puntland ayaa xiriirka u jartay dowladda Soomaaliya kadib markii ay ku xad-gudubtay dastuurka, sidoo kalena awoodda isku soo koobtay.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 09:28AM