Dibad-bax ka dhan ah Al shabaab oo maanta Garowe ka dhacaya

Image

May 14, 2015 (GO)- Dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab ayaa lagu wadaa inuu saaka ka dhaco magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Dowladda ayaa iclaamisey isu soo baxan, waxaana dadka loogu baaqay inay isugu yimaadaan fagaaraha Barxadda.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda ayaa la filayaa inay kasoo qayb galaan bannaanbaxa oo ah kii labaad noociisa ee Garowe ka dhaca.

Isu soo baxan ayaa kusoo aadaya xilli uu maanta isla magaalada Garowe uu kusoo xirmayo shir looga hadlayey la-dagaalanka iyo dabargoynta argagixisada, kaasoo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey xarunta baarlammaanka.

Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana waddooyinka muhiimka ah ee magaalada lagu arkayaa ciidamada amniga oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Faah faahin dheeri ah dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo burcad-badeed ka badbaadiyey markab shidaal siday

Sida wararku sheegayaan, burcad-badeeddu waxay dalbanayeen madax-furasho dhan $3 milyan si ay u sii daayaan markabka.

  • Puntland

    29-09-2026

  • 12:18PM

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM