Doon in ka badan 200 qof ka qaadey xeebaha Boosaaso oo qalibantay

Image
Dadkan ayaa la sheegay in badankooda ay yihiin muhaajiriin ka cararay xasilooni darida amni, dhaqaale iyo cimilo ee Soomaaliya.

NAIROBI, Kenya - Hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa sheegtay in ugu yaraan 49 qof ay dhinteen 140 kalena la la’yahay ka dib markii doon ay saarnaayeen 260 tahriibayaal ah oo ka yimid Soomaaliya ay ku degtay Isniintii xeebaha Yemen.

Warbixin ay soo saartay Talaadadii, Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in doonida ay ka soo baxdey Boosaaso abaaro 3:00 subaxnimo ee xilliga Soomaaliya Axadda, iyadoo ay la socdeen 115 qof oo Soomaali ah iyo 145 Itoobiyaan ah.

Waxa ay sheegtay in doonida ay ku degtay gacanka Cadmeed meel u dhow Alghareef Point, ee gobolka Shabwah ee Yemen.

IOM waxay sheegtay inay abaabushay laba kooxood oo caafimaad si ay gargaar degdeg ah u fidiyaan dadka badbaaday oo ay ku jiraan lix carruur ah.

Hay’addu waxay sheegtay in 71-da qof ee la og yahay ee badbaaday ay u baahdeen daryeel caafimaad oo dheeraad ah, waxaana loo gudbiyay isbitaal, halka 63-ka kalena ay heleen gargaar degdeg ah iyo daweyn fudud.

IOM waxay ku amaantay kalluumaysatada maxalliga ah iyo xubnaha kale ee bulshada wax ay ugu yeertay "doorkooda muhiimka ah" ee ka caawinta dadaallada soo kabashada iyo aaska qaar ka mid ah dadka dhintay.

Hay’addu waxay sheegtay inay socdaan dadaallo lagu baadi-goobayo dadka la la’yahay, iyadoo intaas ku dartay in maydadka ay weli kusoo qulqulayaan xeebta.

Dhacdadani waxay qayb ka tahay Muhaajiriinta ka imaanaya Geeska Afrika ee ku sii qulqulaya Yemen oo ay sababeen xasillooni darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale, iyadoo ay barbar socoto abaaro ba’an iyo xaalado kale oo cimilo xumo oo ka jirta dalal ay ka mid yihiin Itoobiya iyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Chad: Dad ku dhintey dab ka qarxey xero ciidan

Afhayeenka dowladda Abderaman Koulamallah ayaa sheegay in 46 qof…

  • Puntland

    20-06-2024

  • 09:29AM

Puntland oo qabatay horjoogihii ka dambeeyay afduubka Markabka MV Abdalla

Abshir Cabdi Kheyre Jowfe oo 38 jir ah ayaa waxaa laga soo qabtey deegaanka Siinaay ee waqooyiga Gaalkacyo.

  • Puntland

    19-06-2024

  • 05:30PM