Doorashada la isku hayo ee Puntland: Walaaca, cawaaqibka iyo baaqa

Image
Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka ayaa hakiyey doorashaddii gobolka Nugaal daruufo jira awgeed.

GAROWE, Puntland - Guddiga kumeel-gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa ku dhawaaqay in ay ku hareeraysan yihiin duruufo kala duwan qabsoomida doorashooyinka lagu muran-san yahay ee golayaasha deegaanka Puntland.

Degmooyinka gobolka Nugaal oo ay u horayso caasimada Garowe, Dangorayo iyo Godob Jiiraan ayay sheegeen guddigu in aanay suurtagal ahayn in ay ka dhacdo doorashooyinka isla markaana ay dib u dhigeen.

Shirwaynaha wadatashiga Siyaasadda Puntland oo dhawaan Garowe kusoo dhamaaday ayaa ugu baaqay Guddiga Doorashooyinka in uu joojiyo Doorashooyinkaan lagu muran-san yahay isla markaana laga gaaro heshiis.

Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Deni oo ay mudada xilhayntiisa Dastuuriga ah ay bilooyin uun ka hareen ayaa loogu yeeray in uu ka jawaabo daruuraha dul hoganaya in hanaankaan lagu doono muddo kororsi.

Aamuska xukuumadda ayaa laga muujiyay walaac iyada oo dhawaan ururada siyaasadda qaybtood ay ka dhawaajiyeen hanaankaan in uu keeni karo muddo kororsi.

Siyaasiyiinta walwalka muujiyey ayaa ku doodaya in xukuumadda Deni ay muddo kororsi ka damacsan tahay qabashadda doorashooyinka taas oo ay xuseen in ay horseedi karto firaaq dastuuri ah.

Arrimaha xoojinaya sheegashaddan waxaa kamid ah furida dastuurka ee ay ku dhawaaqdey xukuumadda Deni taas oo la doonayo in shan urur siyaasadeed lagu gaarsiiyo tiradda ururadda.

Puntland ayaa doorashadeedu madaxtooyadda ay ku jadwalaysan tahay 8-da bisha Janaayo shan sano oo kasta iyada oo ay ku cadahay dastuurka dowlada Puntland.

Madaxda sare ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka digay in doorashooyin la isku khilaafo ay u horseedaan qalalaaso Puntland waxayna ugu yeereen dhinacyadda ay khuseyso in la ilaaliyo nabadii Puntland ay caanka ku ahayd.

Talaabadda ay xukuumadda Deni ku bilowday doorashooyinka goleyaasha degaanka iyadda oo khilaaf uu jiro ayaa waxay sawir ka bixinaysaa sidda aan loogu aamini karin in uu si daahfuran ku maamuli doono doorashadda madaxweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM