Puntland oo "kor u qaadeysa" dakhliga kirooyinka daaraha

Image
Image
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtey in talaabadan ay salka ku hayso "si loogu bixiyo adeegyada dawladnimada".

GAROWE, Puntland - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland, Xasan Shire Cabdi, oo uu weheliyo Wasiir Ku-xigeenka Dakhliga Cali Cumar Caarshe ayaa warbixin ka dhageystay masuuliyiinta Dakhliga iyo Xisaabaadka Gobolka Nugaal.

Waxaa qayb ka ahaa kulanka Agaasimaha Guud ee Wasaarada Maaliyadda, Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Dakhliga iyo saraakiisha Dakhliga iyo Xisaabaadka ee Gobolka.

Kulanka ayaa lugu soo bandhigay warbixin la xiriirta dakhliga soo xarooday 8-dii bilood ee lasoo dhaafay, goobaha dakhliga uu kasoo xarooday iyo qorshaha Dakhliga ee heer gobol si loo ogaado in kutalagalkii dakhli loo gaaray sidii loo qorsheeyay.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Md Xassan Shire Cabdi ayaa si gaar ah u faray masuliyiinta dakhliga in dakhliyada ku baaqda notaayooyinka la dardargaliyo lana keeno qorshe gaar ah oo wax loo qabanayo maadama uu jiro caqabada u baahan in xal laga sameeyo,

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dakhliyada ku waajibay kirooyinka daaraha, cashuurta macaashal macaashka, cashuurta gaadiidka iyo shaqaalaha in kor loo qaado si loogu bixiyo adeegyada dawladnimada ee ina horyaal.

Ugu damabyn, Wasiir Xasan ayaa faray dhamaan masuuliyiinta kala duwan in shaqada Dakhliga iyadoo ay Wasaaradu u jeesan doonto dardar galinta dakhliga gudaha si loo gaaro yoolasha Wasaaradda Maaliyadda ee sanadka 2022.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM