​Dowladda oo lagu dhaliilay shirka Galkacyo kasocda

Image

GALKACYO- Waxaa magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug kasocda shirar kala duwan oo looga hadlayo aayaha magaalada iyo falalka amni darro ee muddooyinkii dambe kusoo badanayay, waxaana madaxweyne Gaas iyo wafdiga lasocday shir la qaadeen qaybaha kala duwan ee bulshada iyagoo ka dhagaystay warbixino kala duwan.

Shirka  ayaa waxaa ka hadlay xubno isugu jira waxgarad iyo haween, waxayna dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Gaas iyo maamulka degmada Galkacyo ku dhaliileen habacsanaan iyo wax ka qabasho la'aan ku aadan amniga faraha kasii baxayay iyo dialalka loo gaysanayo hal doorka bulshada.

Nabadoonno  goobta ka hadlay ayaa mas'uuliyiinta dowladda u sheegay inaysan jirin wax tallaabo ah oo laga qaaday dilalkii dhawaan ka dhacay magaalada iyagoo amni xumad qayb ka mid ah ku eedeeyay maamulka Galmudug.

Su'aalo ayaa xukuumadda lagu weydiiyay ku aadan waxa uga qorshaysan wax ka qabashada amniga iyo dilalka, waxaana wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab uu sheegay inay samayn doonaan hab cusub oo lagu sugi doono nabad galyada xarunta gobolka Mudug,  isagoo xusay inay samayn doonaan ciidamo xafadeed iyo kuwo ilaaliya masaajidda.

Qarjab ayaa tilmaamay in qorshahaasi xukuumaddu dhawaan hirgalin doonto, wuxuuna shacabka ka codsaday inay dowladda ka taageeraan sidii arrintaasi wax looga qaban lahaa.

Qorshaha xukuumaddu ku dhawaaqday ayaa kusoo aadaya xilli horay mushahar la'aan baahsan uu haysatay ciidamada Booliiska gobolka Mudug sida uu warbaahita horay ugu xaqiijiyay Taliyihii hore ciidanka birmadka gobolkaasi Cabdirashiid Gabi-gabi.

Madaxweynaha Puntland, ayaa dhankiisa sheegay in xukuumaddu diyaar u tahay sidii wax looga qaban lahaa tabashooyinka bulshada iyo sugidda amniga Galkacyo.

Shirkan ayaa kusoo beegmay xilli lakala diray golahii deegaanka degmada Galkacyo kadib markii lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo wax qabad la'aan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Difaaca Puntland oo Guulo Ka Gaaray Dagaalka Dhulka ee Ka Dhanka ah ISIS

Dhinaca kale, khubaro dhinaca amniga ah ayaa ku tilmaamay guushan mid wiiqaysa awoodda kooxda ISIS ee gobolka Bari.

  • Puntland

    20-01-2025

  • 11:35AM

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM