Dowladda Puntland oo 21 degmo biyo dhaamin u sameyneysa

Image

Garowe,Puntland 27.August [GAROWE ONLINE]- Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa maanta shaaciyay inay biyo dhaamin deg deg ah u samayn doonaan 21 degmo oo ka mid ah gobaladda Puntland si looga hortago biyo la'aanta jirta.

Hadalkan ayuu ka sheegay Camay kulan saaka xarunta PDRC ku dhexmaray qaar ka mid ah gollaha wasiiradda,Hay'adda HADMA iyo wakiiladda Hay'adaha caalamiga ah  jooga Puntland waxaana laga wada hadlayay sidii door muuqda ay beesha caalamka ugu qaadan lahayd gurmadka loogu jiro qoysaska tabaalaysan ee abaartu saamaysay.

''Waxaan si gaar ah uga codsanayaa beesha caalamka inay wixi gacan ah ka gaysan karaan abaaraha iyadoo aan la daahin, beesha caalamka waxaan jece-lahay inay maanta isu daayaan bal iney la isku dayo in dadkaan wax loo qabto''.

Dad ka badan saddex boqol oo kun oo qof ayaa abaarta Puntland ka jirta ay saamaysay sida uu Khamiistii lasoo dhaafay warbaahinta u sheegay madaxwayne Dr.Gaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM