Dowladda Puntland oo dabcisay go'aankii xiritaanka Masaajida

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Puntland iyo Culimada ayaa is-afgarad waxay ka gaareen go'aanka xiritaanka Masaajida, sidda uu ku dhawaaqay Wasiirka Cadaaladda maamul goboleedkaas.

Cawil Sheekh Xaamud ayaa shaaca ka qaadey in is-afgaradka uu kasoo baxay kulan uu shalay oo Talaado ahayd uu la qaatay Culimada.

Wareysi uu siiyey warbaahinta ayuu ku sheegay in is-afgaradku yahay in xukuumadda dabcisay go'aankii kasoo baxay ee ku aadanaa in muddo laba todobaad ah la xiro Masaajidda.

Talaabadaas ayaa waxay qeyb ka ahayd ololaha caalamiga ah ee looga hortagayo caabuqa sida safmarka ah dadka u dilaya ee Coronavirus.

Sidda laga soo xigtay Xaamud, is-afgaradka cusub ayaa xeerinaya in ay sii furnaadaan Masaajida balse la xiro Suulida iyo goobaha lagu lagu weesaysto lana ilaaliyo nadaafada guud ee Masaajida.

"Waxaan kaloo isku raacnay in haddii kiis ku saabsan Coronavirus laga helo Puntland in aysan sii furnaan doonin Masaajida, ALLE naguma keenee," ayay saxaafadda kasoo xigtay wasiirka.

Coronavirus oo soo gaarey Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa dunida oo idil ka galaaftey in ka badan 14-kun oo ruux, iyaddoo Talyaaniga uu yahay waddanka uu sida ba'an u aafeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM