Dowladda Puntland oo todoba nin u xukuntey argagixisanimo

Image
Image
Shaqsiyaadkan ayaa la sheegay in ay dilal ka geysteen magaaladda Gaalkacyo.

GAALKACYO, Puntland - Maxkamadda ciidamadda gobolka Mudug dhanka Puntland ayaa xukuno isugu jira dil toogasho iyo xabsi waxay ku ridday todoba shaqsi oo lagu eedeeyay Al-Shabaabnimo iyo dilka "haldoor".

Guddoomiyaha gobolka Mudug qeybta Puntland, Cabdiladiif Muuse Nuur oo qoraal ku daabacay boggiisa Facebook-ga ayaa soo dhaweeyay go'aanka kasoo baxay xeer-beegtada ciidanka qalabka sidda.

Nuur ayaa bogaadiyey shaqada culus ee ay hayso maxkamadda ciidamadda isaga oo ku tartarsiiyey in ay sii dardargeliyaan baacsiga "nafla-caariyeyaasha ka tirsan kooxaha argagixisadda ah".

"Waxaan soodhawaynayaa xukunada isugu jira dilka iyo xabsiga oo ay Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Gobolka Mudug ee Puntland ay ku riday 7 kamida Argixisadii sida dhuumaalaysiga iyo naflacaarinimada ku layn jiray haldoorka iyo labeentii magaalada Gaalkacyo ugu danbayntiina aan gacanta ku soodhignay," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Waxaan bogaadinayaa shaqada culus ee Maxkamada Ciidamadu ka wado Gobolka Mudug iyagoo sii wadi doona Xukunka eedaysanayaasha oo wali qaar badani dhimanyihiin".

"Waa dhamaatay wakhtigii gobolkaanu Argagixisadu siday rabto ka yeeli jirtay, marna lagama yaabo kana  yeelimayno in ay labeenta Bulshada gobolkaan si xaqdaraa udaato dhiigoo, mid kasta oo maalin dariiqaas marayna waxaanu balan qaadaynaa inuu jasadkeeda mari doono," ayuu hoosta ka xariiqay guddoomiye Nuur.

Guddoomiye Nuur ayaa hadalkiisa wuxuu kusoo gabagabeeyay: "Bulshadana waxan ugu baaqayaa inay soo sheegan cid kasta oo ay Amnidaro ku tuhmayaan,waana mahadsantihiin".

Dowladda Puntland ayaa waqti badan waxay gelisay sidii ay Gaalkacyo iyo guud ahaan degaanada ay ka taliso uga ciribtiri lahayd kooxaha argagixisada ah iyada oo bilooyinkii u dambeeyay la fashiliyey shabakado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM