Dr Cumar Maxamuud: Cabtooy dhakhtar ku dhaawacay Garowe

Image
Falalka amni darro ayaa kusoo badanaya caasimada Puntland xilli laamaha amniga ku milmeen siyaasadda.

GAROWE, Puntland - Magaalada Garowe ee caasimada dowladda Puntland ayaa kooxo cabtooy ah ku dhaawaceen mid kamid ah dhalinyarada baranayay cilmiga caafimaadka ee dhowaan kasoo laabtey colaada ka oogan dalka Suudaan.

Dr Cumar Maxamuud Xasan oo kamid ah ardaydii horey uga qalinjabisay dugsiga sare ee Alwaaxa Garowe ayaa isaga oo kasoo baxay salaadii subax waxaa dhaawacay koox cabtooy ah.

Qof kamid ah qaraabada dhibanaha ayaa u sheegay Garowe Online: "Isaga iyo walaalkiis ka yar oo kasoo baxay salaadii subax ayaa waxaa ka hor yimid koox cabtooy ah waxayna ku dhufteen xabad kaga dhacday bawdada iyaga oo taleefanadii ka qaatay".

Wararka ayaa intaas ku daraya in kooxda cabtooyda ah ay sidoo kale tageen jidka sodonka ee Garowe isla markaana ay halkaasi taleefanadii kaga wada qaadeen odayaal socod jimicsi ah ku samaynayay.

Kooxahaan cabtooyda ah ayaa faro kulul ku haya Garowe iyada oo Booliska Puntland ay ku mashquulsan yihiin ilaalinta sanaadiiqda doorashada lagu muran-san yahay ee golayaasha deegaanka Puntland.

Doorashada lagu muran-san yahay ayay ku baaqeen in la joojiyo siyaasiyiin ku shirsanaa Garowe labadii Bari ee lasoo dhaafay iyaga oo ku waaniyey taliyaha Booliska Puntland in uu shaqadiisa aqoonsado kana dhex-baxo khilaafka siyaasiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM