Duqa degmada Boosaaso oo joojiyey Bandhig faneed [ DAAWO]

Image

BOOSAASO - Fanaanka magaciisa la yiraahdo Nimcaan Cabdiraxman Xassan Hilaac ayaa Bartiisa Facebook ku shaaciyey in la joojiyey Bandhig faneed uu Bosaso caawa 27 Oct,2017 ku qaban lahaa..

Nimacaan oo Video hal daqiiqo ah soo dhigey bartiisa Facebook ayaa sheegey in Duqa Bosaaso Cabdisalaan Bashiir oo soo martiqaadey markii hore uu joojiyey bandhigaan sababo uusan shaacin isagoo raali galin u jeediyey dadweynihii kasoo qayb gali lahaa xafladaan.

Ma aha markii ugu horeysay ee laga joojiyo fanaaniin bandhig ku qaban lagaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland iyadoo inta badan talabadaan ay ka timaado cadaadis culimadu saarto maamulada degmooyinka iyo madaxda sare.

Nimcaan Cabdiraxman Xasan Hilaac

Duqa degmada Boosaaso iyo dowlada ayaan weli ka hadlin sababta loo joojiyey bandhigaan uu qaban lahaa Nimacaan Cabdiraxman oo kamid ah dhalinayarada aadka loo dhageysto heesha ay qaadaan.

Magaalada Garowe ayaa waxaa horey looga joojiyey bandhig faneed ay qaban laheyd Nasteexo Indho kaasoo muran badan dhaliyey kadib markii talaabo taas lamid ah ay qaadeen maamulka Somaliland.

Magaalada Boosaso ayaa waxaa ka jira amni xumo ay sababeen kooxaha argagixisada ah "Daacish iyo Al-Shabaab" kuwaasoo dilal iyo baqdin galin u gaysta saraakiisha dowlada iyo dadka kale ee waxgaradka ah.

Puntland oo kamid ah maamul dhidibada loo taagey 20 sano ka hor ayaa waxaa dadka daneeya arimaha fanka waxay dhibaato kala kulmaan iney ka qab-sadaan bandhig faneedyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM