Duqa Garowe oo amray in ay baxaan Itoobiyaanka aan sharciga haysan

Image
Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay soo gaarayay caasimada Puntland.

GAROWE, Puntland - Duqa degmada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa ku amray dhammaan dadka Itoobiyaanka ah ee aan sharciga haysan inay si deg deg ah uga baxaan magaalada.

Cabdiqaadir Maxamed Maxamuud Geeddi oo la hadlay warbaahinta madaxa-banaan ayaa waxa uu ku hanjabay haddii ay u hoggaansami waayaan in la masaafurin doono.

"Waxaan rabaa in aan fariin u diro dadka Itoobiyaanka ah ee sharci darrada ku jooga magaalada, aad baan uga shaqeynay soo dhaweynta dadkaas, laakiin hadda waa la gaaray, waxaan rabnaa in aan u sheegno kuwa aan sharci u haysan inay ka baxaan magaalada Garoowe," ayuu yiri.

Tahriibayaal Itoobiyaan ah ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay soo gaarayay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland. Dadkan ayaa nolol adag kala kulmay Garoowe iyo magaalooyinka kale ee waaweyn ee Puntland, SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Qaar ka mid ah Itoobiyaanka ayaa sidoo kale la wareegay shaqooyin ay ka mid yihiin nadiifinta kabaha. Tani waxa ay shaqo la'aan dhigtay dhalinyaradda magaaladda.

Horay ayaa maamulka degmada Gaalkacyo ee Puntland uga mamnuucay dadka Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Gaalkacyo kadib markii maamulka uu walaac ka muujiyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM