Duqa Garowe oo ka hadlay burburinta xayeysiimaha Murashaxiinta [DAAWO]

Image

GAROOWE - Duqa magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, Axmed Siciid Muuse ayaa ka hadlay markii ugu horeysay falalka lagu burburiyay boorarka xayeysiimaha ee Murashaxiinta, oo ay amartay Madaxtooyadda, sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Falkii ugu dambeeyay ee lagu beegsanayo boorarkaasi waxaa lagu jajabiyey Boor uu Murashax Faarax Cali Shire ku dhegsaday mid kamid ah Goobaha lagu sugo baabuurta rakaabta, taasi oo uu Muuse tilmaamay in lagu raadjoogo soo qabshada cidii ku lugta lahayd.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu mudane Muuse afka ku balaariyay inay qorshuhu ugu jirto inaanu waxyeelo dambe loo gaysan boorarka kale ee magaalada ugu dhegan Murashaxiinta ee loolanka siyaasadeed kula jiray Cabdiwali Gaas, oo uu mudada xileedku ka dhamaaday.

Mayaarka caasimada Puntland ayaa difaacay talaabada uu Murashax Shire ku kireystay xarunta lagu sugo gawaarida rakaabta oo ku taala nawaaxiga xarunta Baarlamaanka maamulkaan 20-sano jir-saday, taasi oo la burburiyay Habeenimadii Talaada.

Ugu dambeyn, Shacabka Garowe ayuu ka codsaday inay kala shaqeeyaan sidii ay ubad-qabi lahaayeen goobaha gawaarida lagu sugto, kuwaasi oo ay hir-gelisay Shirkadda Bilicsan, taasi magaalooyin qaar ee dalka ka fulineysa mashruucyaddani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM