Duqa Garowe oo waji-gabax kala kulmay odayaasha gobolka Nugaal

Image
Cabdulqaadir Maxamed Geedi ayaa wax-garadka kulan qado ah kula yeeshay beeraha 22aad ee caasimada.

GAROWE, Puntland - Duqa degmada Garowe, Cabdulqaadir Maxamed Geedi oo kulan qado ah beeraha 22aad ee caasimada kula qaatay odayaasha iyo waxgaradka 26 bishaan, ayaa ku hungoobay ujeedada kulanka kadib markii uu khudbad halkaasi ka jeediyay.

Khudbaddaha gudoomiyaha ayuu diirada ku saaray diiwaan-gelinta doorashada golayaasha degaanka ee lagu muran-san yahay taasi oo ururada siyaasada qaybtood ay qaadaceen iyaga oo ku tilmaamay mid muddo kororsi xambaarsan.

Hadalka gudoomiyaha ayuu ka codsaday odayaasha in ay qayb ka noqdaan in la abaabulo bulshada oo la is diiwaan geliyo isaga oo ku cel-celiyay wax uu ugu yeeray "Tare".

Odayaasha kulanka ka hadlay ayaa afka ku balaariyay in gobolka Nugaal ay haatan ka jirto abaar daran isla markaana dadka in badan oo kamid ah ay naq-raaceen isla markaana ay codsanayaan in diiwaan-gelintaan dib loo dhigo.

"Doorashadii federaalka markii uu kusoo hungoobay ayuu anaga nagu dayayaa waxaanu leenahay Deniyoow naga daa," ayuu yiri mid kamid ah waxgaradkii kulanka ka hadlay.

"Wakhtiga dastuuriga ah ee mudada xil-haynta madaxweynaha in saacad la dhaafo ma ogolin," ayuu hoosta ka xariiqay mid kamid ah Abwaanadii goobta kasoo jeediyay.

Diiwaan-gelinta lagu muran-san yahay ee guddiga kumeel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland ka qabteen gobalka Bari ayaan helin dad badan, sida uu ku dhawaaqay afhayeenka guddiga, Cabdinuur shiikh Maxamed Isxaaq taasoo dharbaaxo ku ah damaca ku darsiga ee Deni.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM