Duqii Buuhoodle oo is casiley eedayna u jeediyey Dowladda PL

Image

May 4, 2015 (GO)- Guddoomiyihii degmada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn Yuusuf Maxamed Xasan (Abgaal) ayaa shaaciyey inuu xilkaas iska casiley.

Yuusuf Abgaal oo shir-jraa'id qabtey ayaa is casilaaddiisa ku sababeeyey kadib markii Puntland ku fashilantey inay ka dhabeyso ballan qaadyadii ay horay ugu sameysey  bulshada gobolka Cayn.

Qodobada uu sida gaarka ah farta ugu fiiqey ayaa waxaa kamid ah mashaariicda horumarinta oo haba yaraatee aan waxba laga soo gaarsiin Buuhoodle iyo in Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ka caga jiideyso dhismaha golaha deegaanka Buuhoodle.

Shalay ayey ahayd markii uu is casiley ku-xigeenkii duqa degmada Gaalkacayo Yacquub Maxamed Cabdallahi.

Yacquub ayaa sababta uu isu casiley ku sheegay inuu ku fashilmey fulinta ballan qaadyadii uu sameeyey markii la dhisey golaha deegaanka ee Galkacayo, sidaas darteedna uu go'aan ku gaarey inuu xilkan iska casilo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM