Eedeymaha hareeyay tartanka kubadda cagta Puntland

Image
Dildilaaca ayaa dibadda yimid ka gedaal markii uu tartanka ka baxay gobolka Sanaag. [Photo: Abdirahman Bulshaawi]

GAROWE, Puntland – Eedeymo maamul-xumo, habacsanaan, eexasho iyo hogaamin dabacsan ayaa waxay hareeyeen tartanka 8aad ee kubadda cagta gobolada Puntland oo uu martigelinayo garoonka Mire-Awaare ee magaala madaxda Garowe.

Musuqmaasuqa ayaa dibada yimid ka gedaal markii xulka gobolka Sanaag uu cabasho darteed uga baxay koobka. Inta la og-yahay waa markii ugu horeysay oo dhacdo noocaan ah laga diiwaan-geliyey tartanka uu difaacanayo Nugaal.

Gadoodka xulka gobolka Sanaag

Cabashada gobolka Sanaag ayaa soo if-baxdey markii loo diidey in ay u dheelaan laba ciyaaryahan kuwaasoo la sheegay in ay qaateen laba kaar jaalle ah. "Markii doodaas ay timid waxay ayagana andacoodeen in Nugaal uu u dheelayo ciyaarhan qaba laba kaar digniin ah, waxaana lagu yiri caddeyn la yimaada," ayuu GO u sheegay qof si dhow ugu socda is-qabqabsiga.

Sanaag iyo Nugaal ayaa qorshuhu ahaa in ay fooda is-daraan Axadii shalay ahayd. Balse, Sanaag oo tartanka qaadacdey awadeed, waxaa saddexda dhibcood loo qoray Nugaal.

Tani ayaa horseeday in Wasaarada Cayaaraha iyo Xiriirka Kubada Cagta Puntland ay wajahdo dhaliilo ku saabsan in aysan lahayn diiwaan sax ah oo ku saabsan kulamadii dhacay "taasoo ka dhalatay diyaar-garow la'aan".

Daldalooda kale ee lasoo wariyey

Xiriirka ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaleeceeyay in uu farageliyey jadwalka cayaaraha isla markaana kooxo qaar la siiyey waqti ay ku helaan nasiino badan, kuwa kalena la hordhigay "jadwal aad ciriiri u ah".

Si lamid ah, guud ahaan dowladda Puntland ayaa lagu waramay in ay ku fashilintay maalgelinta xulalka gobolada oo hadda ku tiirsan shaqsiyaad. Tani waxaa la rumeysan inay sababtey in aysan shaqeyn amarada wasaarada iyo xiriirka.

Magacaabidda guddi anshaxa

Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha, Dhallinyarda iyo Cayaaraha ayaa Isniinta maanta ah waxay magacowdey guddi anshaxa kuwaasoo "qiimeyn ku sameynaya khilaafkii ka dhashay cayaartii shalay dhexmari lahayd Sanaag iyo Nugaal".

Guddiga oo ka kooban 11 xubnood ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Axmed Daahir Ahmed, halka uu ku xigeen u yahay Cabdulqaadir Cabdullaahi Xasan.

Ugu dambeyntii, wasaaradda ayaa waxay xaqiijisay in ay soo gaartey cabashadda xulka Sanaag iyo warbixin xiriirka kasoo gudbiyey tabashadda xulka. Xiriirka iyo wasaaradda "way isku milmeen taasoo meesha ka saartey madax-banaanidda xiriirka".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo horumar weyn ka sameysay Howlgalka Hilaac ee ka socda G/Bari

Dagaalyahannada ISIS ayaa la kulmay khasaare weyn toddobaadyadii u dambeeyay kadib markii Madaxweynaha Puntland.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 10:39AM

Soomaaliya: Muxuu Axmed Madoobe Ka Yiri Howlgalada Puntland ee ka Dhanka ah Daacish?

Madaxweynuhu wuxuu si gaar ah u xusay guulaha muuqda ee Puntland ay ka gaartay howlgalka Hilaac.

  • Puntland

    14-01-2025

  • 08:51AM