Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha QM oo fariin u jeedisay Deni

Image

GAROWE, Soomaaliya - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Catriona Laing ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaalka ay Puntland ugu jirto geedi-socodka dimoqraadiyadda, ka dib qoraal ay soo dhigtay boggeeda rasmiga ah.

Ergeyga Gaarka ah ayaa Puntland ku ammaantay sida ay ugu guulaysteen qabashada doorashooyin heer degmo bishii May, iyada oo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la isku afgarto hanaanka iyo Jadwalka doorashada.

Ergayga ayaa ku nuuxnuuxsatay baahida loo qabo hanaan dimoqraadiyadeed oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada, iyada oo ka hadleysa tabashooyinka ku xeeran doorashooyinka Puntland.

Waxay sidoo kale ugu boorisay Madaxweynaha Muddo xilleedkiisa sii dhamaanayo Siciid Deni in uu wadahadal la galo madaxda mucaaradka,Isimmada Dhaqanka Puntland, dhalinyarada, haweenka iyo aqoonyahanka si loo xaqiijiyo is afgarad u gogol xaaraya doorashooyin nabad ah.

Wada-hadallada ay Eragaygu la yeelatay saamileyda siyaasadeed ee Puntland ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ayaa ku dhiiri galisay Deni in uu wada-hadal la galo Dowladda Federaalka, iyadoo ku nuux-nuuxsatay muhiimadda ay leedahay in aragtida Puntland ee arrimaha muhiimka ah la matalo Shirka Wadatashiga Qaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo fahfaahin ka bixiyay is-rasaaseyntii koontaroolka Bari ee Garoowe

Baaritaan rasmi ah ayaa socda, waxaana dhammaan eedeysanayaasha la hor geyn doonaa sharciga, ayuu lagu yiri qoraalka booliska.

  • Puntland

    22-03-2025

  • 02:00PM

Duqeyn Cirka ah oo Imaaraadka Carabta Ku Bartilmaameedsatay Saldhigyada ISIS ee Puntland

Taageeradda Cirka ee imaaraadka Carabta ayaa la filayaa inay kordhiso awoodda Ciidanka Puntland, oo aad u daciifiyay ISIS.

  • Puntland

    11-03-2025

  • 07:45PM