Ergo nabadeed oo ku baxday Dagaalka Konfurta Sool [Dhageyso]

Image

LAASCAANOOD - Ergooyin ka tagey magaalooyinka Garoowe, Laascaanood iyo Buuhoodle ayaa gaarey saacadihii lasoo dhaafey ayaa gaarey degaanka Dhumay, oo todobaadkii tagey uu ka qarxay dagaal beeleed.

Garaad Saleebaan Buraalle, oo kamid ah ergooyinka oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inay gogol u dhigeen labada beeleed ee ku dagaalamaya Dhumay si loo xaliyo khilaafkooda.

Wuxuu tilmaamay Garaadka inay hadda ku sugan yihiin Ergooyinka Tuulo u dhaxeysa Dhumay iyo Kalabeyr, oo duleedka Laascaanood ku yaalla, halkaasi oo gogosha ay dhigeen.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Odaygan ayaa xusay in dagaalkii dhawaan ka dhacay Dhumay uu reebay saameyn xooggan, iyadoo laga barakacay afar tuulo, oo dadkii degaan ay hadda meelo kale ku wajahaya dhibaatooyinka dhanka nolosha ah.

Ergooyinkan ayaa ka shaqeynaya sidii heshiis nabadeed loo dhex-dhigi lahaa labada beeleed ee walaalaha ah ee ku dagaalamaya Dhumay, halkaasi oo in ka badan 50 qof lagu dilay dagaal maalmo kahor ku dhexmaray labada dhinac.

Puntland ayaa ku eedaysay Somaliland inay hurinayso colaadda xilli dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ay kasoo saareen baaqyo nabadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM