Ethiopia Airlines oo ballaarinaysa duulimaadyada degaanada Puntland

Image
Mas’uuliyiinta hawada Puntland iyo Itoobiya ayaa mawduucan uga hadlay kulan ay ku yeesheen magaalada Addis Ababa.

GAROWE, Puntland - Wasiirka cusub ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Abdillaahi Bile Nour oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maax Gabobe iyo Agaasimaha Waxda Duulista Mr. Cabtan Maxamuud Xaaji Warsame (Mooto) ayaa hawlo shaqo ku tagey dalka Ethiopia.

Wafdiga ayaa kulan kula qaatey mas’uuliyiin ay kamid yihiin Wasiir-dowlaha Wasaaradda Gadiidka Ethiopia Mr Dhenge Boru, Mareeyaha guud ee Hay'adda Duulista Hawada ee dalkaas Mr Getachew Mengistie iyo Madaxda ugu sareeya shirkadda Ethiopian Airlines, Mesfin Tasew Bekele.

Kulamadan ay Masuuliyiinta Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada DPL la qaateen Madaxda Dalka Ethiopia ayaa waxaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Puntland iyo Ethiopia, Kor u qaadida Duulimadyada Diyaarada Ethiopian Airlines ay ku timaado Deegaanada Puntland oo lagu soo kordhinaayo Diyaaradaha xamuulka qaada (Cargo Fly) iyo sidii loo siin-lahaa shaqaalaha Wasaaradda Duulista DPL tababaro iyo deeq waxbarasho (Scholarship).

Shirka ayaa kusoo dhammaaday isfahan iyo sidii Madaxda Ethiopia iyo Puntland ay iskaaga kaashan lahayeen Arrimaha kor ku xusan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM