Ethiopian Airlines oo duulimaad toos ah ka bilowday Garowe

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Shirkadda diyaaradaha dalka Itoobiya ee Ethiopian Airlines ayaa Sabtida maanta ah waxay duulimaadyo toos ah ay ka bilowday magaala madaxda dowladda Puntland ee Garowe.

Diyaaradda maanta rakaabka ka dejisay xarunta gobolka Nugaal ayaa nooceedu yahay Boeing 737 oo ay farsameyso shirkadda Boeing ee fadhigeedu yahay magaaladda Washington ee dalka Mareykanka.

Xafiiska Ethiopian Airlines ayaa shaaca ka dhigay in duulimaadkan maanta bilowday uu yahay mid sii socon doona isla markaana shirkaddu ay todobaadkii shan duulimaad ku imaaneyso Garowe.

"Waxaan ugu bishaareynaynaa macaamiisheena Soomaaliya gaar ahaan bulshadda Puntland in aan duulimaad toos ah daahfurnay kaas oo wax badan ka badali doona baahida gaadiidka cirka ee muwaadiniinta," ayaa lagu yiri qoraal xafiiska uu soo saarey.

Bishii June, 2019, dowlada Puntland iyo Ethiopian Airlines ayaa ku heshiiyey in shirkaddu ay duulimaadyo toos ah ku tagto magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Iyadda oo la fulinayo is-fahamkaas, bishii July 15-keeda, sanadkii 2019-kii, Ethiopian Airlines ayaa si rasmi ah waxay u bilowday duulimaadka, iyadda oo diyaaradii ugu horeysay ay ka degtay Garowe.

Kaliya ma ahan Ethiopian Airlines duulimaadyada caalamiga ah ee garoomada Puntland ay soo jiiteen, waxaa wehlisa Jabuuti Arilines taas oo December 22, 2019 la daahfuray duulimaadkeedii koowaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM