Shirka Maalgeshiga Puntland oo "bedelay sawirka Soomaaliya"

Image

GAROWE, Puntland – Midowga Yurub oo si weyn u bogaadiyey Shirka Maalgeshiga Puntland ayaa ku tilmaamay mid bedelaya sawirka Soomaaliya, dal dhaca Geeska qaaradda Afrika.

Inkasta oo haatan si dardar leh looga soo kabanayo, ayna jiraan wax xoogaa caqabado ah, waddanka ayaa tobbankii sano ee u dambeysay wehel u ahaa rabshado argagixiso iyo abaaro.

Tani ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay dhabaha u xaartay in ay ganacsatada ajaaniibta ah kusoo dhiiran waayaan dalka, taasi oo meesha ka saartay horumar dhinac walba ah oo dalku gaaro.

Hase ahaatee, xaaladda waa ay ka duwan tahay haatan, waxaana rajo wanaagsan sii muujiyey Madasha Maalgeshiga Puntland, sidda uu ka dhawaajiyey diblumaasiga Nicolas Berlanga.

"Waxaan doonayaa in aan xaqiijiyo in Midowga Yurub oo idin kula soo biirayo dib u naqshadeynta iyo bedelitaanka sawirka Soomaaliya," ayuu safiirka ka sheegay furitaanka shirka ee Axadii.

Shirkaasi oo soconeysa labadda maalmood ee soo aadan ayaa waxaa hal ku dhig looga dhigay "Balaari ganacsigaaga oo maalgesho Puntland".

"Soomaaliyadda maanta aad ayey uga duwan tahay taariikhyadii dhowaanahan," ayuu hadalkiisa raaciyey mas’uulkan kasoo jeeda qaranka Span.

Xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxay hadafka shirkan ku qeexdey maalgeshi, kobac dhaqaale iyo shaqo abuur.

"Waxaa sharaf inoo ah in Puntland ay diyaar u tahay maalgeshi iyo in ay hogaamineyso koorsasada sawir bedelitaanka [Soomaaliya],” ayuu hadalkiisa kusoo koobay Nicolas Berlanga.

Deni oo furitaanka shirka hadlay ayaa wacad ku maray in maamulkiisa uu xididaha u siibi doono argagixisada, isla markaana uu damaanad qaadayo amniga iyo badqabka maalgeshatadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM