Faah faahin dilka xildhibaan ka tirsan Barlamanka PL [Dhageyso]

Image

Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qaabka loo diley Xildhibaan Siciid Nuur Dirir (Cagool) oo xalay dabley hubeysni ay magaalada Galkaayo ku dishey. Kooxda dilka fulisey ayaa lagu soo warramayaa in taradoodu gaareysey lix qof.

Dableyda ayaa tacshiirad huwisey xildhibaanka xilli uu kasoo baxayey masjidka Abu Hureyra, waxayna intaas kadib tuureen labo bumbo oo nooca gacanta ah si ay dadka u kala eryaan uguna suuro gasho inay baxsadaan. Rasaasta waxaa ku dhintey xildhibaanka iyo nin kale oo ilaalo u ahaa.

Xildhibaan Cali Daahir Cabdisamed oo kamid ah golaha deeganka degmada Gaalkacyo ayaa isagoo la hadlayey Radio Garowe waxaa uu sheegay in qaraxa dhacay toogashada kadib ay ku dhaawacmeen lix qof oo qaar kamid ah xaaladoodu culus tahay.

Xildhibaan Siciid Nuur Cagool) wuxuu kamid ahaa mudaneyaasha siyaasad ahaan aadka ugu dhow Madaxweynaha Puntland Cabdiwlei Cali Gaas.

Dilalka qorsheysan iyo weerarada loo gaysanyo ciidamada amniga Puntland ayaa bilihii ugu dambeeyey ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn ee Bosaso, Garowe iyo Galkacayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland Oo Soo Saartay Qeylo-Dhaan Degdeg Ah kadib Abaar Saamaysay Ku Dhawaad Hal Milyan Qof

Hay’adaha saadaasha iyo xog ururinta ee IMC, SWALIM, iyo IGAD/ICPAC ayaa iyaguna sheegay in roobabka Guga iyo Deyrta ee soo socda.

  • Puntland

    08-11-2025

  • 01:13PM

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM