Deni oo qardo-jeexaya dimoqoraadiyadda Puntland

Image
Cid kaleba ha joogtee, Deni waxa ay kala tageen bud-dhigeyaashii guntiga usoo giijinaysay tan iyo 2016-kii.

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayuu u biloowday sanadkiisii ugu dambeeyay ee muddada xilhaynta madaxtinimo, wuxuuna madaxweynaha dhowaan ku dhowaaqay in la aadayo doorasho qof iyo cid ah, lagana gudbay marxaladdii dowlad-dhiska, loona gudbay nidaamka xisbiyada.
Dadka siyaasaddaku foogan ayaa arrintan iska taagay labo xagal oo kala duwan, iyada oo sidoo kale ururada siyaasadda iyo daneeyeyaasha arrimaha Puntland aysan weli dheef-shiidin xaajada, aragtina ka qaadan go’aanka cusub ee madaxweynaha.

Madaxweyne Deni ayaa lagu bogaadiyaa sidii uu markii horeba ugu dhiiraday tijaabinta nidaamka dimoqoraadiyaynta, taas oo ka qabsoontay illaa 3 degmo, balse waxaa weli dadka dhegahooda ka guuxaya sidii loogu ragaaday tijaabada.
Marka la isku daro qardo-jeexii uu sameeyay guddiga doorashada, wax isdabomarintii ka dhacday meelaha qaar, iyo sidii wasaaradda arrimaha gudaha u maamushay doorashadii duqa Ayl, ayaa waxa ay dhammaantood muujinayaan waddada qodxaha badan ee ay leedahay doorasho qof iyo cod ah oo mustaqbalka dhow dhacda haddii aanan dib loo sixin qaladaadkii hore ee dhacay.

Marka ay halkaasi marayso, madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni waxaa u taala shaqo adag oo ah in uu si wadar ogol ah , la tashi ah iyo ka qeybgalin ah ku wajoho doorashada soo socota oo uu xaq dastuuri ah u leeyahay in uu markale isu sharoxo isaga oo ah muwaadhin Puntland iyo madaxweynaha hadda fadhiya.

Dad badan ayaa waxa ay hadda ku dhaliilaan in doorashadii federaalka ku wajahay tashi la’aan badan, balse marka laga qiyaas qaato habkii hoggaaminta ee uu ku galay ololihii doorashada 2019-kii, weli madaxweynaha waxaa laga qabaa rejo ah in uu hannaanka doorashada ku wajoho qaab loo dhanyahay.

Arrinta golaha deegaanka, madaxweynaha waxa uu dhowaan kala direy golihii deegaanka ee Garoowe , horeyna wuxuu u kala direy kuwii Boosaaso iyo Gaalkacayo sanado ka hor. Intuba waxa ay sugayaan gole deegaan oo dhaafsiisan duq magaalo oo magacaabis ku yimaada si ay usoo noqoto kalsoonidii ay bulshada iyo deeqbixiyeyaashaba ku qabeen hufnaanta adeegyada muhiimka ah eel aga filayo dowladaha hoose.

Si kastaba ha ahaatee, marka laga qiyaas qaato muddada kooban ee ka dhiman doorashada iyo hawlaha waaweyn ee uu madaxweynaha shaaciyay, waxaa la isku waafaqsanyahay in madaxweyne Deni ay tahay in uu dib u fariisto, xaajadana dib u calaliyo , go’aamada uu qaadanayana ku saleeyo danta guud sidii marar hore dhacdayba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM