FAALO : Hay’adda PUNSAA oo jabisay shuruucda u dagsan

Image

FAALADA WARKA- Dalladda daneeyayaasha aan dawliga aheyn (PUNSAA) oo la aasaasey 14 May 2008 ayaa ah mid ka madax banaan siyaasad islamarkaana aan ujeedooyinkeedu salka ku hayn faa'ido doon "Non Profit."

Hay'adda PUNSAA  ayaa sida xeerkeeda ku qoran waxay ku dhisan tahay hanaan dhiirigelinaya hufnaan iyo isla xisaabtan waxaana xubnaha hogaankeedu ku yimaadaan nidaam dimuqraadi ah oo lays doorto labadiisanaba mar, kaas oo ku cad shuruucda iyo siyaasadaha dalladda.

Haddaba iyadoo la filayo in Puntland aado nimaamka dimuqaraadiga hadii laga gudbi caqbadahii ka soo baxay tijaabadii lagu aadey doorashooyinka golayaasha degaanka Sadexda degmo Eyl, Ufeyn iyo Qardho ayaa waxaa muhiim ah in la helo hay'ado matalla bulshada rayidka ah oo ka madax banaan siyaasad iyo dano khaaas ah si ay uga qayb qaataan Geedi socodkaan muhiimka u ah bulshada ku nool Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Hogaanka hay'adda ay ku midoobeen bulshada rayidka ah ayaa shirweynahoodii Sadexaad 14 March 2017 waxay Guddoomiye ugu doorteen Faysal Axmad Warsame "Faysal Qaran" halka ku xigeen loogu doortey Mustafe Cabdulahi Cabdi.

Sida xeerka PUNSAA ku qoran ayaa waxay aheyd in doorashada hogaanka Dallada ay ku midoobeen bulshada rayidka ah la qabto 14 March 2019. 

Hadabba hay'adaha ka shaqeeya arimaha bulshada kama hadli karaan mana kor joogteyn karaan nidaam dimuqaraadiyadeed ama mid kale hadii aysan iyagu ku dhisneyn ama aysan hirgalin shuruucda ku qoran xeerarkooda, waxaana khasab ah in bulshada ay matalayaan u sheegaan sababta keentey dib u dhacaan lagu tilmaami karo muddo kororsi.

Waxaa marag madoonta ah in tan iyo intii uu dhacey burburkii dowlad-Nimo ee Soomaaliya inta badan hay'adaha aan dowliga aheyn nooqdeen kuwa ilaashada danaha mashaariicda ay ka helaan dowladaha shisheeye ee daneeya arimaha Soomaaliya. Taas waxaa misaal noogu filan dib u dhaca ku yimid in dalka Soomaaliya sameysto Dastuur dhameystiran oo ku hagga ku dhaqanka shuruucda si nidaamka dowlad-nimo ee dalku higsanayo u hana-qaado. Dib u dhaca ku yimid dhameystir la'aanta Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo noqotey Bar madow ee ku taal dalkeena ayaa waxaa sababey shaqsiyaad iyo hay'ado aan dowli aheyn oo ka dhigtey mashruuc lagu lacag qaato "Profit seekers."

Haddaba waxaa la joogaa xiligii hogaanka PUNSAA oo muddo kororsi labo sano ah sameystey, si uu ula jaan qaado nidaamka dimuqaraadiyada ee la filayo in Puntland ku talaabsato islamarkaana u qabto doorasho degdeg ah taas oo siineysa sharciyad uu kaga hadlo shaqooyinka loo igmadey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Soomaaliya: Daacish oo Dhaawac weyn algu gaarksiiya Gobolka Bari

Ciidamada Puntland ayaa qabsaday ugu yaraan shan saldhigyo istiraatiiji ah oo ay isticmaali jireen maleeshiyada Daacish.

  • Puntland

    11-01-2025

  • 11:08AM

Soomaaliya: Puntland oo ku eedeysay DFS inay musuq-maasuqdo Gargaarka Bini'aadanimo

Maalmo kahor, Wasiir Maareey, ayaa ka been abuuray Cagaf-cagafyo Bangiga Aduunka ugu tala-galay Beeralayda Soomaaliya

  • Puntland

    09-01-2025

  • 05:10PM